Dad Soomaali ah oo siyaabo kale duwan ugu dhintay gobolaka Tennessee ee dalka mareykanka.

Cabirka Farta

Magaalada Nashville ee Gobolka Tennessee

Arboco, June 25, 2008 (HOL) - Mudo shan maalmood gudahood ah ayaa afar qof oo soomaali ah siyaabo kale duwan ugu dhinteen nawaaxiga magaalda Nashville ee gobokla Tennessee wadankan mareykanka.

 

Koox hubeysan ayaa habeenimadii arbacada waxa ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Allaha u naxariistee Hassan Osman isaga oo sii galayey gurigii uu dagnaa mar uu salaada cishaha ku soo tukaday masaajid aan gurigiisa sidaa uga dheerayn,  kooxdaan hubeysan ayaa waxa ay marxuumka ku dhufteen dhowr xabadood, dhaawaciisa ayaa la geeyay Vanderbilt University Hospital halkaas oo uu ku geeriyooday

 

Allaha u naxariistee Hassan Osman oo ahaa 28-jir ayaa waxa lagu tilmaamey in uu ahaa nin aad u firfircoonaa bulshada dhaxdeeda, aadna u jeclaa in mar walbaa salaada ku soo tukado masaajidka, sida uu ii sheegay Nuuradiin Osman oo ah Marxuumka walaalkiis

 

Booliska magaalda Nashville ayaan qofna u xirin dilka Hassan Osman oo  aaskiisa  ahaa maalintii khamiista

 

Maalintii Jimcaha ee xigatay ayaa waxaa  shil baabuur ku geeriyood will kale oo soomali ah, shilkan ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa magaalda Nashville iyo tuulda Shelbyville. Allaha u naxariistee marxuumkan oo magaciisa la iigu sheegay Maxamed Cabdiwali ayaa gaarigii uu watay ay isku dhaceen gaari kuwa xamoolka qaado ah oo loo yaqaa Trucks halkaas oo uu ku naf waayey.

 

Allaha u naxariistee Maxamed Cabdiwali ayaa waxaa lagu aasay magaalda Nashville galabnimadii sabtida, aaskiisa ayaa waxaa ka soo qayb galay soomali badan oo ka kala yimid magaalooyinka gobolka Tennessee.

 

Waxeey naxdintii ku sii badatay dadkii ku dhaqanaa magaalda Nashville markii ay ka war heleen dhimashada labo dumar soomali ah iyo mid dhaawac culus soo gaaray  kadib markii gaarigii ay wateen uu ku dhuftay tareen kuwa xamuulka qaado ah gudaha magaalda Nashville.

 

Shilkaan oo dhacay subaxnimadii axada waxaa ku geeriyooda allaha u naxariistee Hooyo Nimco Guunbe iyo Barwaaqo Liibaan, gabadha dhaawaca gaaray ayaa magaceedu yahay Rooda sida uu ii sheegay Yasin Saalax oo ka mid ah soomaalida degan magaalada Nashville,

 

Sababta shilka ayaan wali cadeyn, booliska iyo waaxda danbi baarista ayaa sheegay in ay aaminsanyihiin in qofkii gaariga waday uu iska indha tiray calaamadaha sheega in uu soo socdo tareenka, wali waxaa socda baaritaan lagu hayo sida uu shilkan u dhacay.

 

Gobolka Tennessee guud ahaan oo ay ku dhaqanyihiin soomaali gaareysa dhowr kun ayaa waxaa soo foodsaartay  naxdin iyo walwal aad u weyn ka gadaal dhacdooyinkaan isdaba jooga oo ay ku naf waayeen afar qofood oo ka mid ahaa, labana ay dhaawac isbitaal ugu jiraan.

 

A.Jahweyn, HIIRAAN ONLINE

Minneapolis, Minnesota

[email protected]