Arbaco, June 25, 2008(HOL): Waxaa gebi ahaanba hakad la geliyay dhaqdhaqaaqa ganacsi ee Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, waxayna xayiraadda ganacsiga saameyn ku yeeelatay dadka degmadaas ku dhaqan.
Xasan Axmed Nuur oo ka mid ah dadka Degmadaas ku dhaqan oo uu saameyn ku yeeshay xayiraadda ganacsi ee lagu soo rogay Degmada Dharkeenley ayaa wuxuu sheegay in amarka lagu joojiyay dhaqdhaqaaqa ganacsiga uu ka yimid dhinaca Ciidamada maamulka Degmada.
“Dadka guryahooda ayay iska joogaan wax ganacsi ahna kama jiro halkan, waxaana taasi ugu wacan iyadoo aysan furneyn dhamaan goobihii ganacsiga”ayuu yiri Xasan Axmed Nuur.
Saraakiisha Ciidamada amarka soo saaray ayaa waxay sheegeen in goobaha ganacsiga dib loo furi doono kadib marka la hagaajiyo ammaanka Degmada Dharkeenley, taasi oo aan ilaa iyo haatan waqti rasmi ah loo qaban.
Dadka ku dhaqan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa had iyo jeeraale waxay cabasho ka muujiyaan xanibaado ay ku soo rogaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ee Muqdisho ku sugan, kuwaasi oo marka ay howlgallada sameynayaan joojiya dhaqdhaqaaqyada Dadka, Ganacsiga iyo Gaadiidka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia