Weerar Culus oo xalay Kooxo hubeysan ku qaadeen guri uu ka degan yahay Magaalada Beledweyne mid ka mid ah Ganacsatada Qaadka

Cabirka Farta
Arbaco, June 25, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar culus ku qaaday Guriga ganacsade Ibraahim Cabdi Dhaay oo ka mid ah Milkiilayaasha shirkada Khaadka soo galiya Magaalada Beledweyne.
 
Xiliga weerarku dhacay oo ku beegneyd 1:00 habeenimo ee xalay ayaa markaliya laga wada maqlay xaafadaha Magaalada dhawaaqa hubka fudud iyo kuwa la dul rido gadiidka dagaalka ee loo yaqaan (Tikinikada) waxaana wararku sheegayaan in kooxaha soo weeraray guriga ganacsadaha doonayeen in ay halkaa ka qaataan hub dhawaan Ciidamada Itoobiyaanku dib ugu celiyeen Maamulkii hore oo la sheegay in qeyb ka mid ah uu gacanta ku hayo ganacsadaha la weeraray.
 
Dagaalka oo sii xoogeystay ayaa markii danbe waxaa ku soo biiray Ciidamada ilaalada u ah Duqa Magaalada Beledweyne Aadan Cabdi Ciise (Garaaso) iyo Ciidamo horay uga tirsanaan jiray Maamulkii hore ee Yuusuf Dabageed taa oo keentay in kooxaha weerarka soo qaaday la kulmaan iska caabin aad u adag.
 
inta la og-yahay hal ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyooday dagaalka halkii xalay halka    labo ka tirsan ilaalada Duqa Magaalada Beledweyne ay ku dhaawacmeen, lamana oga khasaaraha soo gaaray kooxaha weerarka soo qaaday oo markii danbe dib u laabtay.
 
Weerarka xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne oo cabsi iyo wal walba ku abuuray dadka rayidka ah oo intooda badan xalay soo jeed ku dhameystay ayaa ku soo beegamay xili labadii cisho ee la soo dhaafay dilal is xig xigay ay ka dhaceen magaalada oo kii ugu danbeeyay kooxo hubeysani ku toogteenn Madaxii Xarunta Cilimi baarista iyo Wada tashiga CRD ee Gobalada dhexe Eng. Max'ed Xasan Kulmiye.
 
Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa saakay gudaha u soo galay magaalada inkastoo hadana Ciidamadu dib ugu laabteen fariisinkooda Jate-kuudisho ee duleedka Magaalada mana jirin wax howl-galo ah oo ay sameeyeen Ciidamada intii ay jooogeen Magaalada.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia