Ciidamo ka socda Nigeria oo Muqdisho la geynayo

Cabirka Farta

Arbaco, June 25, 2008(HOL): Afhayeenka Ciidamada Amisom ee ku sugan magaalada Muqdisho Major Barigye Ba-hoku ayaa wuxuu sheegay in ay ku soo biiri doonaan Ciidamo ka scoda Dalka Nigeria.

Major Barigye Ba-hoku oo isagoo ku sugan Magaalada Kampala ee Dalka Uganda u waramayay Wakaaladda Wararka Reuters ayaa wuxuu sheegay in dhawaan ay booqasho ku tegay Magaalada Muqdisho saraakiil Ciidan oo ka socday Nigeria, kuwaasi oo indha-indheyn ku sameynayay xaaladda dalka Soomaaliya iyo weliba meelaha ay degi karaan Ciidamadooda.

Magaalada Muqdisho waxaa horay ugu sugnaa Ciidamo ka socda Dowladaha Uganda iyo Burundi, kuwaasi marka la isku daro ay tiradooda noqoneyso 2,200 oo Askari. Major Barigye Ba-hoku waxaa uu sheegay in marka ay soo gaaraan Ciidamada Nigeria ay wax badan qaban doonaan, isla markaana ay isku filnaan doonaan.

Dowladda Nigeria ayaa horay u sheegtay in ay Soomaaliya u direyso Ciidamo gaaraya 850 Askari, kuwaasi oo la howlgeli doona Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Ururka Midowga Afrika ayaa wuxuu horay u ballanqaaday in uu Soomaaliya u dirayo Ciidamo gaaraya 8,000 oo Askari, hayeeshee waxaa ilaa iyo haatan la hayaa 2,200 oo Askari oo Uganda iyo Burundi ka socda iyo Nigeria oo sheegtay in ay  Ciidamo u direyso Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia