Tartanka Horyaalkii Kubadda Kolayga Jen. Daa'uud oo la soo gebageeyay

Cabirka Farta


Talaado, June 24, 2008(HOL: Waxaa la soo gebagebeeyay Tartankii Horyaalka Kubadda Kolyaga Jen. Daa'uud Cabdulle Xirsi oo ay ku tartameen Kooxo Kubadda Kolayga ah oo Wiilal iyo Gabdho isugu jira.

Ibraahim Xuseen Roombe

Xaflad Horyaalkaas lagu soo gunaanaday oo Koobabna lagu bixiyay ayaa waxaa shalay lagu qabtay Hotelka Jidda ee Magaalada Muqdisho, iyadoo xafladdaasina ay ahayd mid ay ka qeybgaleen Madaxda Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Xiriirrada hoos-yimaada.

Furitaankii Xafladda ayaa waxaa ka hadlay Ibraahim Xuseen Roombe oo ka mid ah Guddoomiye ku xigeennada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga, wuxuuna ka qeybgalayaashii Xafladda uga faalleeyay sidii uu u qabsoomay Tartankii Horyaalka Jen. Daa'uud.

Guddoomiye ku xigeenka waxaa uu sheegay in Tartankii Horyaalka Jen. Daa'uud oo bilowday 25/04/2008 uu soo gebageboobay 13/06/2008, isagoo xusay in ay ka qeybgaleen 10 Kooxood oo Wiilal ah iyo 5 Kooxood oo Gabdho ah.

Sida uu sheegay Ibraahim Roombe Koobkii Wiilasha Waxaa ku guuleystay Kooxda Wiilasha Heegan oo ciyaartii kama dambeysta ahayd ka adkaatay Kooxda Wiilasha Dekedaha, halka dhinaca Gabdhaha ay iyaduna Koobka ku guuleysatay Kooxda Gabdhaha Heegan oo ciyaartii kama dambeysta ahayd ka badisay Kooxda Gabdhaha Horseed.

Xaaji Cabdi Cilmi Warsame

Intaas kadib waxaa Cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay Xaaji Cabdi Cilmi Warsame oo ah Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee dhinaca Xiriirrada, wuxuuna Xaajiga ku dheeraaday ka hadalka Taariikhdii uu lahaa Jen. Daa'uud Cabdulle Xirsi.

"Alle ha u naxariistee Jen. Daa'uud Cabdulle Xirsi waxaa uu ahaa Nin ay Soomaalinimada ku weyn tahay, wuxuuna hoggaaminayay Ciidamadii Dalka Soomaaliya ka saaray mar ay soo galeen Ciidamo Cadaw ah oo ku soo duulay, sidaas darteed ayuu Isboortiga Soomaaliyeed gartay in uu sanad walba u qabto tartamo lagu maamuusayo"ayuu yiri Xaaji Cabdi Cilmi Warsame oo intaas ku daray in uu aad ugu faraxsan yahay in uu Tartankii Horyaalka Kubadda Kolyga Jen. Daa'uud uu wanaag ku bilowday wanaagna ku soo dhamaaday.
Waxaa ku xigay oo isna Xafladda ka hadlay Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo sheegay in ay sanad walba Koob ku xusaan Jen. Daa'uud Cabdulle Xirsi, wuxuuna xusay in uu aad ugu faraxsan tahay in Isboortiga Soomaaliyeed uusan marna istaagin dhowr iyo tobankii sano ee uu dalka Soomaaliya burburka ku soo jiray.

Aadan Xaaji Yabarow Wiish

Aadan Xaaji Yabarow Wiish waxaa uu ammaan u soo jeediyay Dugsiga Jaabir Bin Xayaat oo noqday Dugsiga kaliya oo sameystay Koox Isboorti oo Kubadad Kolayga ah, wuxuuna ka rajeeyay Dugsiyada ee dalka ka jira in ay iyaguna sameystaan kooxo Isboorti.

"Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga wuxuu qaban doonaa Tartamo lagu horumarinayo Isboortiga Soomaaliyeed, gaar ahaan Kubadda Kolayga, waxaana rajeyneynaa in ay tartamadaas noqdaan kuwo ay ka soo baxaan Ciyaar mustaqbal fiican ku leh Isboortiga, gaar ahaan Kubadda Kolayga"ayuu yiri Aadan Xaaji Yabarow Wiish.

Intaas kadib Aadan Xaaji Yabarow Wiish wuxuu Cod baahiyaha ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed C/qaadir Ibraahim Gacal Abkow oo isna jeediyay hadal dheer oo u badnaa guubaabo Isboorti.

C/qaadir Ibraahim Gacal Abkow waxaa uu u jeediyay Naadiyada Kubadda Kolayga in ay sameystaan Garoomo ay si gaar ah u leeyihiin oo ay ku jimicsadan, isla markaana ay ku ciyaaraan, intii la iska sugi lahaa hal garoon oo ah Garoonka 1-da Luulyo (Ex-Luujino).

C/qaadir Ibraahim Abkow

Sidoo kalena, wuxuu ugu baaqa Naadiyada in ay sameystaan ilaa afar kooxood oo kala heer ah. Macallimiinta Kooxaha Kubadda Kolayga ayuu iyagana u tilmaamay meelo ay dhaliilo ka leeyihiin oo ku aadan dhinaca tababaridda ciyaartoyda, si gaar ahna wuxuu u xusay in aysan ciyaartoyda ka xoojin gacmaha iyo lugaha, "ciyaartoyga haddii uusan gacmaha iyo lugaha ka xooganeyn Kubadda meel dheer ma geyn karo"ayuuna yiri C/qaadir Abkow.

Hadalka Guddoomiyaha GOS oo aad u dheeraa ayaa wuxuu guntiisa ahaa sidii Isboortiga Soomaaliyeed loo hormarin lahaa, isla markaana loo soo saari lahaa ciyaartoy tayo wanaagsan leh oo ka qeybqaadan karta Tartamada Caalamiga ah.

Ugu dambeyntiina, Xafladdii loo qabtay soo af-jaridda Koobka Koobabka Jen. Daa'uud oo ay ka soo qeybgaleenDad aad u fara badan oo isugu jiray, Mas'uuliyiin ka socday Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Xiriirrada hoos'yimaada iyo weliba Macallimiin, CIyaartoy iyo marti sharaf kale ayaa waxaa lagu bixiyay abaalmarinno kala duwan oo isugu jiray Koobab, Billado, Maaliyado iyo Shahaaddooyin.








Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia