Talaado, June 24, 2008(HOL: Milkilaha Kooxda Kubadda Cagta Dekedaha Cabdi Jiinow Calasow oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Xafiiskiisa ku dhex yaala Dekedda Muqdisho ayaa wuxuu ka soo horjeestay Doorasho ay qaar ka mid ah Kooxaha Kubadda Cagta ugu doorteen Faarax Sendiko in uu noqdo Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta.
Cabdi Jiinow Calasow waxaa uu sheegay in uu aamisan yahay in uusan jirin Xiriir Soomaaliyeed oo qaabilsan Kubadda Cagta, wuxuuna taasi sabab uga dhigay in Guddoomiyenimada Xiriirkaas wada sheeganayaan Seddex Guddoomiye oo uusan magacyadooda xusin.
Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ayuu sheegay Cabdi Jiinow in ay iska hor-keento Seddexdaas Nin ee wada sheeganaya Guddoomiyenimada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, wuxuuna taasi sabab uga dhigay in ay marba qof ku soo dhejiso Bog ay leedahay.
"FIFA waxaa la gudboon inay kala doorato Xiriir Kubadda Cagta ah oo Soomaaliya oo dhan wada metela ama Xiriir Kubadda Cagta ah oo Muqdisho kaliya ku kooban"ayuu yiri Milkilaha Kooxda Kubadda Cagta Dekedaha oo dhanka kalena ah Maareeyaha Dekedda Muqdisho.
Doorasho shalay Guddoomiyenimada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta loogu doortay Faarax Wehliye Caddow Sendiko ayuu Cabdi Jiinow ku tilmaamay mid haleyneysa sumcadda Faarax Sendiko, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in ay doortaan Kooxo Deegaan kaliya ka soo wada jeeda.
14 Kooxood oo ka tirsan Kooxaha Kubadda Soomaaliya ayaa shalay waxay Guddoomiyenimada Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya u doorteen Faarax Wehliye Caddow Senidko, iyadoo Faarax Sendiko oo doorashadaas qadka Taleefoonka uga soo qeybgalayna uu aqbalay xilka loo doortay.
Ugu dambeyntiina, waxaa xilka Guddoomiyenimada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta isugu heystay Muxyaddiin Xasan Cali Darbaweyne iyo Saciid Maxamuud Nuur Mugambe, kuwaasi oo uu mid kasta oo ka mid ah sheeganayo in uu yahay Guddoomiyaha sharciga ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia