Talaado, 24, Jun, 2008 (HOL) Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee jooga Xerada Jante-kuundisho ee duleedka Magaalada Beledweyne ayaa dhawaan dib ugu ku wareejiyay Maamulkii hore ee Gobalka Hiiraan dhamaan hubkii ay kala wareegeen markii xilka laga qaaday.
Hubka oo isugu jira kuwo saaran Gaadiidka Dagaalka ee loo yaqaan (Tiknikada) iyo hubka fudud islamarkaana in mudo ah ku jiray gacanta Ciidamada Itoobiya ayaa ugu danbeytii lagu wareejiyay Gudoomiyihii hore ee Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) sida uu HOL u sheegay mid ka mid ah Saraakiisha Maamulkii hore oo goob joog ka ahaa wareejinta hubka.
Goobta lagu wareejiyay hubkaasi ma'aysan tagin xubnaha Sare ee Maamulka hada ka jira Gobalka kuwaa oo sheegay in talaabada ay qaateen Saraakiisha Itoobiya tahay mid aan iyaga lagala tashan, sidaa daraadeed ay u arkaan go'aan u gaar ah Saraakiisha Itoobiya.
Laakiin aragtida xubnaha Sare ee Maamulka mid ka duwan waxaa qaba Golaha Odayaasha dhaqanka oo sheegay in arintaasi u arkaan talaabo loo qaaday dhinaca Nabad-galyada, maadaama sida ay hadalka u dhigeen ku wareejinta hubkaasi Maamulka hada jira lagala kulmi lahaa qatar dhinaca Amaanka ah.
Waxaana ay intaa ku dareen Odayaasha dhaqanku in xitaa marka laga soo tago Maamulkii hore, kan hada jira xubnihiisu isku khilaafsanaayeen sida loogu wareejiyo hubka waana tan keentay ayeey sheegeen in Ciidamada Itoobiya qaataan talaabo iyaga u gaar ah,
Marka laga eego go'aanka ay qaateen Ciidamada Itoobiya waxaa lagu tilmaami karaa in uu yahay mid ka dhashay kulan bartamihii bishan aynu ku jirno ku dhaxmaray Xerada Jate-kuudihso Saraakiisha Itoobiya iyo Xubnaha Maamulka hada ka jira Gobalka kuwaa oo isku khilaafay arinta ku saabsan wareejinta hubka, waxaana xiligaa ay sheegeen Saraakiisha Itoobiya hadii ay waayaan go'aan sax ah in ay qaadan doonaan talaabo iyaga u gaar ah.
Gudoomiyihii hore ee Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in Ciidamada Itoobiya si khasab ah uga wareejiyeen sida uu hadalka u dhigay hub beeshiisu leedahay, waxaana uu intaa ku daray in Itoobiyaaku qaadi doonaan mas'uuliyida wixii dhibaato ah ee ka timaada hubka ay gacanta ku hayaan.
Laakin waxaa muuqaneysa in hada la soo afjaray eedeyntii Gudoomiyihii hore uu u jeedinayay Ciidamada Itoobiya oo si Nabad-galyo ah ugu wareejiyay wixii hub ahaa ee horay looga qaaday Maamulkii hore.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Sidee loo arkay hubkii dhawaan Ciidamada Itoobiya dib ugu wareejiyeen Maamulkii hore ee Gobalka Hiiraan?
Cabirka Farta
More News
- Tartanka Horyaalkii Kubadda Kolayga Jen. Daa'uud oo la soo gebageeyay
- Milkilaha Kooxda K/Cagta Dekedaha oo ka soo horjeestay Doorasho Guddoomiyenimada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta loogu doortay Faarax Sendiko
- Guddoomiyaha Degmada Baydhabo oo Dowladda Federaalka ka codsaday in ay Ciidamo dheeraad ah u dirto Degmadaas
- Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaq oo gaaray Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo