Talaado, June 24, 2008(HOL: Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa waxay gaareen Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, iyadoo Hoggaamiyayaasha Xoogaggaasna ay meel fagaare ah kula hadleen Dad isugu soo baxay Degmada Baardheere.
Shiikh Xasan Yacquub oo Xooggaggaas hoggaaminayay ayaa wuxuu u sheegay Dadkii isugu soo baxay Degmada Baardheere in ay ugu yimaadeen sidii ay Dadka ugu wacyigelin lahaayeen dadka ku dhaqan Degmada Baardheere iyo Deegaannada hoos-yimaada in ay isku xukumaan Shareecada Islaamka.
Shiikh Xasan Yacquub waxaa kale oo uu u sheegay dadkaas in ay ka qeybqaataan halganka Dalka Soomaaliya looga xoreynayo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku jira, wuxuuna xusay in ay kulamo la qaadan doonaan Maamulka Degamada Baardheere.
Xoogagga Al-Shabaab ee gaaray Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxay ka yimaadeen Degamda Jamaame ee Gobolka Jubbada Dhexe, halkaasi oo ay dhawaanahan ku sugnaayeen.
Dhawaanahan ayay Xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka iyo Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab waxay ku sii xoogeysanayeen deegaanno dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, iyagoo la wareegayay gacan ku heynta Deegaanno ay ka talinayeen Maamullo ay sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia