Dowladda Britain oo ka war bixisay deeqaha ay u fidiso Somaliland iyo Iskaashiga ay leeyihiin labad dhinac

Cabirka Farta

Talaado, 17 June 2008 (HOL): Dawladda Ingiriiska, ayaa shaaca ka qaadday in Deeqda ay Soomaaliya siiyo 40% ay siiso Somaliland sanadkiiba, waxaanay ballan qaadday inay Somaliland kala shaqayn doonto ilaalinta nabadgelyada iyo ka hor-tagga Argagixisada.

Wasiirul dawlaha Wasaarada Arrimaha Dibada Dalka Ingiriiska, una qaabilsan Dawlada Ingiriiska Dalalka Barwaaqo Sooranka, oo wefdi ballaadhan oo uu hogaaminayo ayaa saaka abaaro 9:30 subaxnimo Madaarka Egal International ka soo degay ee magaalada Hargeysa, Madaxweyne Rayaale-na kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, isla markaana isla maanta dib uga dhoofay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in dawladdoodu Somaliland kala shaqayn doonto arrimaha Nabadgelyada.

Wefdiga waxa Madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay Wasiirada Arrimaha Dibada Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Duulista iyo Hawada Md. Cali Maxamed Waran-Cadde , Arrimaha Gudaha Md Cabdillaahi Ismaaciil Cirro, Maayarka Hargeysa Eng Jiciir iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Xukuumada Somaliland.

Warsaxaafadeed uu Afhayeenka Madaxtooyadu ka soo saaray kulanka Madaxweyne Rayaale iyo Weftigan, ayaa waxa uu ku sheegay in labada dhinac ka wada hadleen arrimaha deeqda. Isla markaana uu Madaxweyne Rayaale kala hadlay arrimaha Aqoonsiga Somaliland (Waa sida u yidhiye).

Maaha markii u horaysay e Wefti heerkan oo kale ahi Somaliland yimaaddo, hase ahaatee sanadkii hore ayay ahayd markii Wasiirro ka tirsan dawladda Britaiin ay dalka yimaadeen.
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland