Jaaliyad Soomaaliyeed oo Deeq Lacageed gaarsiisay dad ku dhibaateysan Magaalada Beledweyne

Cabirka Farta

Talaado, June 17, 2008(HOL):  Xiligan adag ee uu dalku marayo waxaad moodaan in dadka Soomaaliyeed uu ku nool dalka dibadiisa siweyn uga warqabaan xaaladaha kala duwan iyo daruufaha dhinaca nolasha ah ee la soo darsay kuwa ku dhaqan gudaha dalka kadib markii qaarkood ay ka soo barkaceen deegaanadii ay ku noolaayeen.
 
Jaaliyadaha wadamada Yurub ayaa la oran karaa waa kuwa ugu badan ee sida tooska ah ula socda marxaladaha dhinaca nolasha ah ee ku heysta qoysas badan qeybo ka tirsan dalka Soomaaliya haba ugu badnaadeen kuwa ku barakacay Gobalada dalka kadib markii warbaahintu u sahashay in ay si fudud ku haleen aqbaaraadka la xiriira xaaladaha adag oo ay ku nool yihiin dadka dhibaateysan.
 
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden ayaa deeq lacageed oo gaareysa ilaa 500 $ doolar soo gaarsiisay qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ku  dhibateysan gudaha Magaalada Beledweyne , waxaana xusid mudan in Jaaliyadu deeqdaasi u soo dhiibtay Ururka Maxaliga ah ee Daljirre oo isna sii gaarsiiyay ilaa 40 ruux oo la arkayay in ay yihiin kuwo siweyn ugu baahan kaalmada ay soo dirtay Jaaliyada Swedan.

HOL oo ka mid ah qeybaha warbaahita ee sida weyn ula socda dadka nolashu ku adkaatay ayaa waxaa ay u sheegeen qaar ka mid ah dadka deeqda helay in ay siweyn u soo dhaweynayaan, islamarkaana kaalamada la soo gaarsiiyay ay ku soo beegantay xili ay siweyn ugu baahnaayeen, maadaama sida ay sheegeen dhibaatadu ay ka taagan tahay sicir bararka ka jira "" waxa yar ee maalintii na soo gala xitaa hadii aan damacno in aan suuqa la tago waxba nooma goyso ayuu yiri mid ka mid ah dadka soo barkacay ee oo HOL u waramayay.

Waa markii laxaad oo uu Ururka Daljirre deeqo kala duwan gaarsiiyo dad ku dhibaateysan qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan, sida biyo dhaamin uu ka sameeyay meelaha qaar iyo waliba lacago cadaan oo uu gaarsiiyay Qoysas iyo shaqsiyaad isugu jira Curyaamiin iyo agoon ku nool Gobalka taa oo la oran karo waa talaabo ku wanaagsan arimaha bani'aadanimada.

Waxaana uu ururku mahad balaaran u celiyay warbaahita oo ah tan iyadu qeybta ugu weyn ka qaadaneysa sidii loo gaarsiin lahaa dadka kale ee wax heysta aqbaaraadka iyo muuqaalada dadka daruufuhu la soo darseen waana tan keentay ayeey sheegeen mas'uuliyiinta ururka in  ay bataan kaalmooyinka la soo gaarsiinayo dadka dhibaateysan.
 
Haddii aad ka qeyb qaadaneyso kaalmeyta dadka Soomaaliyeed ee nolashu ku adkaatay la xiriir Emailka
[email protected]

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia