Dagaal laba Beelood ku dhex maray Bariga Ceerigaabo iyo Barasaabka Gobolka Sanaag oo ka hadlay

Cabirka Farta

Talaado, June 17, 2008(HOL): Maayarka Degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa shir-jaraa’id oo uu xafiiskiisa magaalada Ceerigaabo ku qabtay kaga xog warramay dagaal Sabtidii doraad laba beelood ku dhexmaray Tuulada Biyo-guduud oo qiyaastii 50-km koonfur-bari kaga toosan magaalada Ceerigaabo, Islamarkaana waxaa uu sheegay in deegaankaas aan wax danbe ka dhicin labada beeleed ee dirirtu dhex-martayna ay kala dhex-galeen Ciidamada Qaranka, Waxgaradka deegaanka iyo Culumo-awdiin.

Maayarka Ceerigaabo waxaa uu sheegay in muranku ka bilaabmay deegaan labada beeleed ee dirirtu dhexmartay wadda degaan, waxaana uu eeda dhibaatada dhacday dusha u saaray badhasaab ku xigeenka Gobolka Sanaag, (C/casiis Xasan Siciid).

Maayarka Ceerigaabo oo arrintan ka hadlayaa waxaa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan, “Anigoo ka war bixinaya dhibaatada dagaalka shalayto ka dhacay Tuulada Biyo-guduud waxaa ku dhintay hal nin waxaana ku dhaawacmey afar kale, (Qoricad) waxay soo ahaan jirtey tuulo 28 sano ka hor la sameeyey ka dibna dagaalladii sokeeye 1988-kii darteed ayaa dadkii degganaa iyadoo dhisan ka qexeen. Kaddibna waxa tuulo cusub laga abuuray isla dhinaceeda bari tuuladaas oo leh maammul (Guddi 7 xubnood).

Kaddib nabadayntii beelaha Sanaag ee lagu heshiiyey meelihii hore loogu kala qaxay in cid waliba halkeedii degi karto ayay qayb ka ahayd in dib loogu soo noqon karo tuuladii hore looga qaxay (Qoricad).

Intaas ka ddib markii taariikhdu ahayd 18/9/2007 ayaa guddoomiyihii guddida tuulada Biyoguduud iyo dadkii lahaa degaanka tuuladaas qaddiimka ah ee bariga Biyoguduud waxay Ii keeneen qoraallo lagaga codsaday guddidaasina ka oggolaatay dib u dhiska iyo dib u degsiimada meeshaas qaddiimka ah. Anigoo tixraacaya qoraalladaas ayaan 20/11/2007 sameeyey qoraal loo fasaxayo dadkii hore ee halkaas lahaa inay degi karaan oo dib u hagaajisan karaan, qoraalladaas ayaa buuq ka dhashay iyadoo qolada daanta bariga deggani kasoo horjeedaan inaan daanta galbeedka la degin, arrintaas oo Badhasaab-ku xigeenka gobolka Sanaag C/casiis Xasan Siciid-na Isoo weydiiyey oo aan siday ahayd uga warramay. Badhasaab-kuxigeenku wuxu sameeyey qoraal cusub 07/06/2008 oo uu u qoray ciidammada iyo labada beelood ee halkaas wada deggan isagoo leh ha la joojiyo. Arrintaas ayaa dadkii degaankaasi (qaarkood) garawsan waayeen islamarkaasna sababtay in dagaalkani meesha ka dhoco”.

Maayarka Ceerigaabo su’aal saxaafadu ka weydiisay oo ku saabsanayd maaddaama ay badhasaabka ka wada hadleen arrinta waxa sababay in haddana lagu kala duwanaado arragti ahaan sida uu isagu ku doodayo wuxu yidhi “Aniga iyo Badhasaab-xigeenku waa isla fahmi weyney”.

Isagoo ka jawaabaya su’aal kale oo ku saabsanayd cidda waqtigan nabadgelyada loo xilsaaray ee gacanta ku haysa iyo halka xaaladdu maraysana wuxu yidhi “Nabadgelyada waxa u xilsaaran ciidammada qaranka oo waqtigan goobtaa ku sugan iyo waayeellada beelaha reer-Sanaag oo ku weheliya iyadoo weliba culimaa’u-diin badanina ay halkaas tagtay, mana jiraan wax intii shalayto (Doraad) ka danbeeya oo la soo sheegay”.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland