Talaado, June 17, 2008(HOL): Golaha Guurtida Somaliland, ayaa fadhi aan caadi ahayn duuduub ku ansixiyay wax-ka-bedelkii lagu sameeyay Xeerka Diiwaangelinta oo toddobaadkii hore ansixiyeen Golaha Wakiilladu.
Fadhigan oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa iyada oo aan wax dood ahi ka dhicin, waxa si duuduub ah ay u ansixiyeen wax-ka-bedel lagu sameeyay Xeerka Diiwaangelinta oo si ku-meel gaadh ah loogu dhaqmi doono labada Doorasho. Guddoomiyaha Guurtida oo ansixinta ka hor hadal jeediyay, isla markaana laba qodob oo ka mid ah qoddobadan wax-ka-bedelka lagu sameeyay soo jeedimo ku ladhay, ayaa codsaday in soo-jeedimahaas lagu lifaaqo. “Mudaneyaal xeerku horta waa xeerkii aynu hore u gudbinay, muddadii murankii badnaa ee Qarankan ka dhex dhacay, si loo soo bedo,waxa isbedelkani ku saabsan yahay dhinaca farsamada iyo mudooyinkii u dhex-dhexaynayay wakhtiyada Doorashooyinka iyo hawsha diiwaan gelinta codbixiyeyaasha. Waa la soo koobay, wax nuxur ah oo xeerkii iska bedelay ma jiro, isbedelkan lagu samneeyay qodobadan waxa lagu sheegay in la laalay xeerkii , waxaan leenahay lama laaline xeerkii wuu jirayaaye waa la hakiyay..Qodobka 11-aad ee wax ka bedelkani waxa uu leeyahay, waxa go''aaminaya qabsoomidda diiwaan gelinta iyo doorashooyinka heshiis ay wada galayaan Komishinka doorashooyinka qaranka iyo xisbiyada siyaasada, markaa waxaan soo jeedinayaa in loo akhriyo, waxa lagu soo jeedinayaa heshiis ay wada gaadheen Komishinka iyo xisbiyadu." Ayuu yidhi Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxa kale oo aanu u aragnaa in qodobka 12-aad ee wax ka bedelkan xeerka diwaan gelinta loo qeybiyo laba qeybood, waxa isku dhex jira laba arrimood oo kala ah, waxa lifaaqan xeer uu dhaqan galayaa marka golayaasha sharci dejintu ay ansixiyaan Madaxweynuhuna saxeexo, markaa waxaan ku dayraynaa in lifaaqani uu shaqaynayo labadan doorasho ee soo socda oo qudha"
Hase ahaatee, waxa qaar ka mid ah Xildhibaanadu sawaxan bilaabeen markii uu Guddoomiyuhu si kooban u yidhi, “Waxaan soo jeedinayaa in soo-jeedintayada aanu ku lifaaqno oo aynu sidaa isku dhaafino oo aynu ansixino”. Waxaanay qaar ka mid ah Xildhibaanadu u muuqdeen qaar aragti iyo aaraa ka qaba cod-u-qaadistan, hase ahaatee lagaga batay duuduub-u-ansixinta wax-ka-bedelkan lagu sameeyay Xeerka Diiwangelinta. “Ciddii sidaa aanu isbedelka u soo jeedinay ogoli gacanta ha taagto” ayuu yidhi Guddoomiyuhu. Tirada Xildhibaanada fadhigaa goob-joogga ka ahaa oo dhamaa 46 mudane, ayaa waxa ogolaaday in la ansixiyo soo jeedinta wax-ka-bedelkaas 45 Mudane, halka uu diiday Hal Mudane, cid ka aamustayna aanay jirin, gudoomiyuhuna aanu codayn.
Ansixinta wax-ka-bedelka lagu sameeyay Xeerka Diiwaangelinta cod-bixiyayaasha Doorashooyinka ee Golaha Guurtida, ayaa u muuqda inuu yahay gebogebada heshiis ay dhawaan si wada-jir ah u gaadheen saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinku. Ansixintan ayaa la sheegay inay caqabad ku ahayd Hoggaanka Axsaabta Qaranka iyo Komishanka Doorashooyinka eek u sugan Magaalada Nairobi, oo la filayay inay Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah wada hadallo kala yeeshaan arrimaha Doorashooyinka iyo kharashka Diiwaangelinta oo ay hore u laaleen. Kuwaas oo la sheegay inay shuruud uga dhigeen ansixinta Golaha Guurtida ee wax-ka-bedelka Xeerkan.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland