MAXAMED DHEERE: “Xubnaha Isbaheysiga ee heshiiska wax ka saxiixay haddii aysan ka hadlin dagaallada Muqdisho ka socda oo aysan iska biri-yeelin waxay noqoneysaa in ay dagaalka wax ka wadaan”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere)
Jimco, June 13, 2008(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa wuxuu ku eedeeyay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee heshiiska la saxiixday Dowladda Federaalka in ay buriyeen heshiiskii ay labada dhinac ku gaareen Dalka Jibouti.
Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in maalintii heshiiska la saxiixay maalintii ku xigtay ay dagaallo ka dhaceen magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay fariisamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ku qaadayeen Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka, “haddii aysan dagaallada joojin karin maxay marka hore heshiiska u saxiixayeen”ayuuna yiri Maxamed Dheere oo sheegay in ciidamada dowladda aysan cidna weerar ku ahayn.
“Xubnaha Isbaheysiga ee heshiiska wax ka saxiixay haddii aysan ka hadlin dagaallada Muqdisho ka socda oo aysan iska biri-yeelin waxay noqoneysaa in ay dagaalka wax ka wadaan”ayuu yiri Maxamed Dheere oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho.
Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in saxiixii heshiiskaas kadib ay Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ay weerar ku qaadeen Saldhigga Booliska Degmada Kaaraan, Guriga Guddoomiyaha Degmada Kaaraan, Fariisimada ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah Degmada Yaaqshiid iyo shalay oo uu sheegay in ay madaafiic ku weerareen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, xili uu halkaas ka dhoofayay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.
Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay ka war dhowrayaan mowqifka uu Isbaheysiga Dib u xoreynta ka qaato dagaallo Muqdisho ka soo cusboonaaday wixii ka dambeeyay markii heshiiska lagu saxiixay dalka Jibouti.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia