
(Wallaalayaal haloo gurmado Qoysaskan Dhibaateysan)
Jimco, June 13, 2008(HOL): Waa arrin taabaneysa damiirka of kasta oo leh dareen bini’aadenimo iney jiraan kumanaan qoys oo ka barakacay Gudaha Magaaladda Muqdisho, islamarkaana aaney xaaladooda cidna ka war-qabin, kuwaasi oo daruufo adag oo dhinacyadda Nolosha, Hoyga iyo Caafimaadka ay ku heysato deegaanada Duleedka Waqooyi-Bari ee Magaaladda Muqdisho.
Maadaama ay qoysaskaani yihiin kuwo la arki karo iney daadsan yihiin inta u dhaxeysa Muqdisho iyo dekadda Ceel-Macaan, Maxay tahay sababta looga xaqiray iney helaan xaquuq la mid ah tan ay heleen qoysaska ay Muqdisho deriska ku ahaayeen ee naftooda ula cararay Muqdisho iyo Afgooye dhexdooda? Ma Hay’addaha Samafalka ayaa eedaasi leh oo kala fadli yeelay dad ka wada cararay xaalad isku mid ah, mise saxaafadda ayaa ka mas’uul ah oo aan si cadaalad ah uga soo waramin dadka ay saameeyeen dhibaatada dagaalada Muqdisho ee guryahoodii ka barakacay iyo xaaladaha ay ku sugan yihiin, halka had iyo jeer aad loogu qeylo-dhaamiyo dadka u qaxay duleedka Koonfureed ee Magaaladda Muqdisho.

Ganacsade Cali Maxamed Jimcaale (Cali Ooyaaye)
Ma filayo iney jiri karto cid cudur-daar ka bixin karta sida lagu iloobay qoysas ku nool meel aan geed laheyn oo guri laheyn oo misana aan baad la cuno iyo biyo la cabo laheyn, islamarkaana ay dushooda ku dhaceyso cad-ceeda kulul ee maalintii iyo cusbada badweynta Hindiya.
Ma jirto cid ay u xisaaban tahay tirada dadka maalin kasta deegaanadaasi ugu geeriyota nafaqo-dari soo wejahday awgeed ama cuduro ka dhashay xaaladda qalafsan ee ay ku nool yihiin qoysaskaasi, waxaase la arki karaa in tiro qabuuro ah oo cusub ay ku dhex yaaliin deegaan kasta oo ka mid ah duleedka Waqooyi Bari ee Magaaladda Muqdisho, iyadoo aaney carruurta qoysaskaasina aheyn kuwa heli kara fursado ay wax ku bartaan. Qeybo ka mid ah qoysaskaasi ayaa la sheegay iney daruuftu ku qasabtay iney dib ugu laabtaan deegaanadii ay kasoo qaxeen sida degmooyinka Yaaqshiid iyo Heli-waa, iyagoo doortay in ay madaafiic iyo risaas u geeriyoodaan halkii ay ku noolaan lahaayeen darxumada taala Duleedka Waqooyi Bari ee Magaaladda Muqdisho, gaar ahaan halka lagu magacaabo Xaliim-hiite, Shiikh Cali Cabdulle, Gal-galato, Cisaley iyo Ceel-macaan.
Haddaba, waxaan ugu baaqayaa dhamaan dadka qurba joogta ah, Ganacsatada, iyo ruuxii awoodi kara in uu taakuleeyo walaalihiisa ku dhibaateysan Soomaaliya gaar ahaan qoysaskaasi xaaladda murugada leh ku nool ee ku sugan deegaanada Waqooyi Bari ee Muqdisho, maadaama aaney helin Hay’ado u gurmada iyo saxaafad u qeylisa, marka laga reebo hal ama laba Idaacadood amaba website oo muddo sanad ka badan isku xil-qaamay iney soo arkaan xaaladda ay ku sugan yihiin dadkaasi.


By: Ganacsade Cali Maxamed Jimcaale (Cali Ooyaaye)
[email protected]