Jimco, June 13, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa saaka waxaa ka dhacay qaraxyo iyo tacshiirad ay dad rayid ah ku dhinteen, kuwaasi oo ka kala dhacay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Hodan ee Gobolka Banaadir.
Qaraxa koowaad oo loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro ayaa wuxuu ka dhacay Suuqa Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid, iyadoo qaraxaasina lala beegsaday Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo socod ku marayay gudaha Suuqaas.
Tacshiirad ay qaraxaas kadib fureen Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa waxaa ay sababtay in uu geeriyoodo nin ganacsade ah oo ku sugnaa Suuqa Towfiiq, iyadoo kadibna uu hakad galay dhaqdhaqaaqii dadka iyo ganacsiga ee Suuqaas.
Qarax kale oo ka dhashay Miinada Dhulka lagu aaso ayaa waxaa uu sababay in uu dhaawac soo gaaro darawalka gaari Toyota ah oo uu qaraxa ku qabsaday nawaaxiga Kuliyaddii Jaalle Siyaad ee Degmada Hodan.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca qaraxyo, iska hor-imaadyo iyo dilal lala beegsado dad aan waxba galabsan, iyadoo falalkasina ay magaalada ka dhigeen mid aanu ammaankeeda hagaagsaneyn.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia