Jimco, June 13, 2008(HOL): Maqribnimadii xalay ayay Tuugo South African ah oo Bistolado ku hubeysan ay soo weerareen dukaan ku yaalay Tuulada Kronbal oo u dhow magaalada Rustenburg ee Gobolka North West, iyagoo halkaas ku dilay Marxuum lagu magacaabi jiray Cabdi Haashim Sh. Yuusuf isla markaana ku dhaawacay mid kale oo magaciisa lagu sheegay Haashim oo dhaawac fuudud uu soo gaaray.
Cabdiraxmaan Macallin Abuukar (Anas) oo ah milkiilaha dukaankaas ayaa ii xaqiijiyay kadib markii ay geysteen dhibatadaas in ay ka qaateen dukaanka waxoogaa lacag ah iyo airtime iyagoo isla markaana ka baxsaday halkaas.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida North West C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Caana-mac) oo qadka telefoonka ugu waramayay Xafiiska HOL ee Magaalada Johannesburg ayaa ii xaqiijiyay in dhacdadan loo soo qabtay 3 nin oo looga shakisan yahay in ay geysteen arintaas isagoo intaas ku daray in ay dadka deegaanku war giliyeen Police ka in Baabuur ey wateen Tuugadu uu ahaa midka ay Police ku qabteen isagoo intaas raaciyay in ay ku daba jiraan Tuugo horay u dilay Dad soomaaliyeed oo ay 10 ka mid ah xabsiyada ku jiraan.
Aintan ayaa ku soo beegantay xili Sitimaannadii la soo dhaafay ay ka jireen Wadanka Koonfurta Afrika dhibaateyn ba’an oo loo geystay Dadka aan wadanka u dhalan iyadoo Wadamada qaar ay kala bexeen Muwaadiniintoodii halka Dad badanna ku jiraan Xeryo Qoxooti oo ku yaala duleedka Magaalooyinka Pretoria iyo Capetown ee Dalka Koofur Afrika.
Saciid Xerow, Hiiraan Online
[email protected]
Johannesburg, South Africa