Arbaco, July 09, 2008(HOL): Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay si kulul u weerareen Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, waxyna qaar ka mid ah Xildhibaannadaas ay soo jeediyeen in ay Xukuumaddaas is-casisho.
Xildhibaan C/rashiid Xiddig oo ah Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Amniga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde aysan waxba ka qaban arrimaha Ammaanka dalka, sidaas darteedna wuxuu ku baaqay in ay Xukuumadda is-casisho bacdamaa sida uu yiri ay ku fashilantay in ay wax ka qabato amni darrada dalka ka jirta.
Xildhibaan Macallin Jiis oo isna ka hadlayay Fadhi ay maanta Xildhibaannada Baarlamaanka ku yeesheen Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu sheegay in amni darrada dalka ka jirta ay taagan tahay in ay mas’uuliyiinta Dowladda isaga kala gooshi waayaan magaalooyinka Baydhabo iyo Xamar, “Xiligii ay jirtay Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Geeddi waxaa lala wada socdaa in Xildhibaannada Baarlamaanka ay u kala socdaali jireen Muqdisho iyo Baydhabo, hadana waxaaba amni darro ka tagaan tahay Baydhabo gudaheeda”ayuu yiri Xildhibaan Macallin Jiis.
Xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad ayaa iyaduna waxay sheegtay in aanan lala soconin sida ay u wax u waddo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, sidaas darteedna waxay Guddoonka Baarlamaanka ka codsatay in uu Xukuumadda seddex maalmood gudahood ku hor keeno Baarlamaanka.
“Dhaqaale ayaa Dowladda soo gala, ilaa iyo haatanna lama oga meel uu ku socdo iyo sida loo maamulo, Hotello ayaa kumanaan Doollar lagu seexdaa, Dalkiina amni kama jiro, marka waxaan ka codsanayaa Guddoonka Baarlamaanka in uu Xukuumadda Baarlamaanka horkeeno”ayay tiri Xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hadallada kulul ee ay maanta sii daayeen Xildhibaanadaas ayaa waxay ku soo beegmeen iyadoo amni darrada Dalka ka jirta ay gaartay Magaalada Baydhabo oo ah fariisinka KMG ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ururka Al-Shabaab uu habeen hore Magaalada Baydhabo ku qaaday weerarro madaafiic loo adeegsaday, kuwaasi oo lala beegsaday Xarunta Madaxtooyada, Garoonka Diyaaradaha, Xarunta Warshaddii Oomada Avv. Xasey oo fariisin u ah Ciidamo Itoobiyaan ah, Saldhig-weynaha iyo Suuqa Xoolaha, kuwaasi oo iyana fariisin u ah Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia