Arbaco, July 09, 2008(HOL): Ciidamo ka tirsan Maamulka Somaliland ayaa Maanta la wareegay Gacan ku haynta Degmada laas Qoray ee Gobolka Sanaaga ee Maamulka Puntland.
Ciidankan la wareegay degmadaasi ayaa dhaqdhaqaaqyo Mileri ka waday baryihii u danbaysay tuulooyin hoos yimaada Gobolka Sanaag ee Puntland.
Taliyaha Ciidamda Daraawiishta Gobolka Sanaag Cabdulaahi Cashuur oo HOL u waramayay ayaa sheegay in ay jireen wararka sheegaya in degmadaasi ay la wareegeen Ciidamo Taabacsna Somaliland, waxaana uu intaasi ku daray in aysan dhicin wax rabshado ah oo ka dhashay la wareegida ay Somaliland la wareegtay Degmadaasi.
Dhawaan ayey ahayd markii Gobolka Sanaag ay ka dhaceen isku dhacyo dhax maray Ciidamo ka tirsan Somaliland iyo qaar ka mid ah Shacabka Gobolka Sanaag.
Ma jiraan wax hadal ah oo ka soo yeeray Maamulka sare ee Puntland oo ku aadan arinta ah in Somaliland ay la wareegtay degmada Laas qoray ee xeebta Badda Cas kulaasha.
Waxaana la wareegidda Ciidamadani ay la wareegeen Degmada Laas Qoray ay ku soo beegmaysaa, iyadoo Kooxo Burcad Badeed ah ay wali afduub ugu haystaan Degmada Calmadaw Dad Ajaanib ah oo u dhasahy dalka Jarmalka.
Arrintan ayaa dhanka kale waxay sara u sii qaadeysa Colaadda daba dheeraatay ee ka dhaxaysa labada Maamul ee Puntland iyo Somaliland oo si aad ah isugu muransan Magaalada Laas Caano ee Xarunta Gobolka Sool.
Faysal Maxamed Xasan(Boston) Hiiaan Online
[email protected]
Bossaso, Somalia