Khilaaf sii xoogeysanaya oo u dhaxeeya Odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan, Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga iyo Saraakiisha Itoobiya ee duleedka Beledweyne jooga

Cabirka Farta
Arbaco, July 09, 2008 (HOL):  Inkastoo la oran karo Xaaladda Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Gobalka Hiiraan xilligan waa mid degan, hadana dhinaca kale waxaa sii xoogeysanaya khilaafka iyo muranka la xiriira Nabad-galyada Magaalada Beledweyne ee u dhaxeeya Golaha Odyaasha dhaqanka Gobolka iyo dhinacyada iska soo horjeeda ee Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya.
 
Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan oo tan iyo markii ay soo baxeen xiisadaha colaadeed ee ka aloosan Magaalada si weyn ugu howlanaa sidii loo dajin lahaa xasaradaha taagan, ayaa guul darrooyin is daba joog ah kala kulmaya shirar iyo kulamo ay la yeelanayeen Saraakiisha Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga iyo kuwa Itoobiya ee jooga duleedka Magaalada Beledweyne.
 
Saacadihii aynu soo dhaafnay kulamo aad u adkaa oo ay wada galeen Saraakiisha hoggaamineysa Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga ee jooga Magaalada Beledweyne iyo Odayaasha Dhaqanka ayaa ugu dambeyntii wax guul ah laga gaarin, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in dhinaca Xoogagga Maxkamaduhu ku gacan seyreen in ay ka baxaan magaalada si markaas xiisaddu u yaraato.
 
Mid ka mid ah Waxgaradkii ka qeyb-galay kulanka oo codsaday in aan magaciisa la soo xigan ayaa sheegaya in Saraakiisha Maxkamaduhu aysan isku raacsaneyn dagaal lagu qaado xiligan Ciidamada Itoobiya ee fariisinkoodu yahay Jante-kuundisho, laakiin waxaa uu intaas ku daray in ay ka siman yihiin fikradda ah in marnaba aysan ka bixin gudaha magaalada isla markaana weerarro culus ku qaadi doonaan Ciidamada Itoobiyaanka hadii ay isku dayaan in ay gudaha u soo galaan magaalada.
 
Sidoo kale waxaa uu intaas ku daray mas'uulka la hadlay HOL in Saraakiisha Itoobiyaanku sheegeen in aysan xiligan u socon gudaha Magaalada laakiin dhinacooda ay is difaaci doonaan hadii ay la kulmaan weeraro uga yimaada dhinaca Xoogagga Maxkamadaha mid ka mid ah Saraakiisha ayaa nagu yiri "Waan og-nahay dhaq dhaqaaqyada ka jiray gudaha Magaalada, ogaada annagu dalka is kama joogno aan waxaan ku joognaa amar Dowladeed sidaa daraadeed uma dulqaadan doono dhaq dhaqaaqyada Miletari ee socda waana sababta aan dalka u joogno in aan arimahaa oo kale ka hortagno.
 
Golaha Odayaasha oo ah kuwa is leh talada ugu danbeysa ee Gobalka Hiiraan maadaama uusan jirin Maamul si dhab ah uga howl-gala ayaa hada waxaa la oran karaa xaalku waa mid u eg in uu farahooda ka sii baxayo, waxaadna moodaa in arinku u wareegayo dhinaca Saraakiisha Maxkamadaha ee jooga Magaalada oo dhinacooda ku xisaabtamaya culeyska uu leeyahay dagaal ka dhax qarxa gudaha Magaalada Beledweyne.
 
Dhinaca kale waxaa gelinkii danbe ee shalay soo gaaray Magaalada Beledweyne Saraakiil ka tirsan Isbaheysiga dib u Xoreynta dalka oo uu ka mid yahay Xog-haya Gaashaandhiga Shiikh Yuusuf Max'ed Siyaad (Indhacade)  oo ay wehliyaan Ciidamo aad u hubeysan oo wata ilaa 10 gadiidka dagaalka ah.
 
Waxaa sidoo kale warar soo baxaya sheegayaan in saacadaha soo socda ku soo biiri doonaan Mas'uuliyiin kale oo ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda dhacaan kulamo looga arinsanayo sidii laga yeeli lahaa Ciidamada Itoobiya ee fariisinkoodu yahay Xerada Jante-kuundisho ee duleedka Magaalada Beledweyne.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia