Arbaco, July 09, 2008 (HOL): Af-hayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in ay shalay gelinkii dambe dagaal kula wareegeen hub iyo gaadiid badan oo la doonayay in lagu soo qaado Ciidamo Soomaali ah oo lagu soo tababaray gudaha Itoobiya.
C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in Gaadiidka iyo hubka ay wadeen lagu abaabulay, lagana diray Xarunta Gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho, kadib markii ay ka war heleenna ay jidka u galeen ayna la wareegeen Gaadiidkii iyo hubkii saarnaa ee Ciidamadaas loo waday.
“Waxaan leenahay ilo aan wararka noocaas ah ka helno, waana ku guuleysannay in howlgalkii aan gaadiidkaas iyo hubkaas ku soo furannay”ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow oo sheegay in ay sidoo kale dhibaato u geysteen ciidamo la socday gaadiidkaas.
Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa uu dagaal ku dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo Xoogagga ka soo horjeeda nawaaxiga Garoonka Balli-doogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose, inkastoo saaka la soo sheegayo in xaaladda deegaannadii ay shalay dagaallada ka dhaceen ay degan yihiin.
Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Federaalka oo rumeynaya ama beeninaya hadalka uu sii daayay Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka ee ah in ay Gaadiid iyo Hub ka qabsadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wadada ka tagta Magaalada Muqdisho ee u kacda dhinaca Magaalada Baydhabo ayaa dhawaanahan waxay ahayd mid uu ku safarkeeda khatar yahay, waxaana mar kasta ka dhaca iska hor-imaadyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia