Khamiis, July 31, 2008(HOL): Saraakiishan oo gaaraya ilaa shan Sarkaal ayaa waxaa lagu ruqseeay Wareegto maanta ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo wareegtadaas saxaafadda u aqriyay kadib shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay ayaa wuxuu sheegay in saraakiisha la ruqseeyay ay isugu jiraan kuwo xilalkoodii gudan waayay iyo kuwo dowladda ka soo horjeestay.
Saraakiisha la ruqseeyay ayaa waxaa ka mid ah Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose Cali Aadan Cali (Cali Ganey), ku xigeenkiisa Nuuriye Cali Faarax iyo C/qaadir Cabdi Xasan Beebe oo ka tirsanaa Taliye ku xigeennada Booliska Gobolka Banaadir.
Dhanka kalena, Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa wuxuu ka hadlay Ciidamo Boolis ah oo dhawaan lagu soo tababaray Dalka Itoobiya, kuwaasi oo uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansixiyay in ay ka howlgalaan Gobolka Bay iyo Gobollada la deriska ah, wuxuuna sheegay Jen. Cabdi Qeybdiid in Ciidamadaas ka howlgeli doonaan Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir.
Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed waxaa uu sheegay in markii ay Mudanayaasha Baarlamaanka ansixinayeen uu rumeysan yahay in ay taasi ku xambaartay wel wel ay ka qabaan ammaankooda, sidaasoo ay tahayna waxaa uu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in ay Ciidamadaas iska xaadiriyaan Xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed oo ku taala Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia