Masuuliyiin ka hadashay Weriye u shaqaynayay TV-ga UNIVERSAL oo Hargeysa lagu xiray

Cabirka Farta

Khamiis, 31 July 2008 (HOL): Weriye u shaqaynayay TV-ga Caalamiga ah ee Afka Soomaaliga ku hadla ee UNIVERSAL Maxamed Aw-Aadan Cabdi, ayaa maalintii labaad ku xidhan Xarunta dembi-baadhista ee C.I.D-da. Iyada oo ay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ay Xukuumadda ku cambaareeyeen xadhigiisa.

Weriyaha oo Suxufiyiin aan ka mid ahay ku booqdeen Xarunta Dembi-baadhista ee Magaalada Hargeysa oo uu ku xidhan yahay, ayaa inkasta oo naloo diiday inaanu u galno oo aanu aragno, haddana sida uu Weriye Maxamed u sheegay qaar ka tirsan Saxaafadda oo loo ogolaaday inay u gudbaan, waxa Weriyaha lagu xidhay amar ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa cambaareeyay talaabada ay Xukuumaddu u xidhay Wariye Maxamed Aw-Aadan Cabdi, oo ka mid ah Sawir-qaadayaasha ruug-cadaaga ah oo muddo dheer ku soo dhex jiray Mihnada Saxaafadda.

Madaxda Ururka SOLJA waxay shir Jaraa’id oo ay shalay galab ku qabteen Magaalada Hargeysa, xukuumada Somaliland ka dalbadeen inay sida ugu dhakhsaha badan bilaa shuruud xorriyadiisa ugu soo celiso Suxufiga oo habeenimadii Arbacadii ee bishan July 30-ka ahayd.

“Waxaanu cambaaraynaynaa xadhiga Suxufiga Maxamed Aw-Aadan, oo ah nin Suxufiya, Sawir-qaade ah oo in badan ka soo shaqaynayay Saxaafada, kana tirsan Guddida fulinta ee Ururka SOLJA. Waxaanu bilawnay oo ku jirnay dedaal, waxaanu intaa u soconay sulux in aanu ku dhamayno oo lagu soo daayo. Balse, waxa nasiib-darro ah in nimankii masuuliyiinta ahaa ee aanu arrintan kala hadlay isku kaaya tuur-tuureen. waxaad moodaysaa qaarkood in aan xilba saarnayn.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxa nasiib-darro ah in Wasiirkii Arrimaha Gudaha oo ay shaqadiisii tahay uu yidhaahdo waxba kama ogi xadhiga ninkaas, iyada oo aanu ka warqabno in uu saacad-saacad u helo warbixin kasta oo kiis jira ah.”

Waxa kale, oo isna halkaa ka hadlay Gudoomiye ku-xigeenka SOLJA Xariir Faarax Ducaale, oo isna farta ku fiiqay inay ayaan-darro tahay in Masuuliyiinta dawladu marka wax laga waydiiyo sababta keentay xadhiga noocan oo kale ah, ku doodaan in aanay waxba ka ogayn, isla-markaana isku tuur-tuuraan cidda uu u xidhan yahay Suxufiga ay Xukuumaddu Xabsiga u taxaabtaa. “Waxaan leeyahay bilaa-shuruud ha naloogu sii daayo Suxufiga, oo xoriyadiisa si dhakhso ah ha loogu soo celiyo.” Ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka SOLJA Xariir Faarax Ducaale.

Xoghayaha guud ee SOLJA Muuse X. Maxamuud Guuleed (Muuse-inji), oo isna ka hadlay shirkaa Jaraa’id, ayaa sheegay in sababta loo haysto Weriyaha ay tahay Warbixino uu ka diray Somaliland, sidaana ay uu u sheegay Afhayeenka Madaxtooyadu. “Waxaanu la kulanay Jananka Ciidamada Booliska, Wasiirka Daakhiliga iyo Afhayeenka Madaxtooyda oo isagu noo sheegay yidhina ‘Universal TV ayuu u shaqeeyaa, oo wuxuu sii daayay barnaamijyo iyo Waraysiyo uu ka qaaday Faysal Cali Waraabe iyo waxyaabo kale, heshiis ayaanuna lahayn TV-gaas’. Markaa, waxaanu ka codsanaynaa dawlada inay deg deg u soo dayso, waxaanaan leeyahay yaan laysku dhufan dawlada iyo Saxaafada.” Ayuu yidhi Muuse-inji. “Xadhiga Suxufiga Madaxweynuhu ha amro in la sii daayo. waxaaba laga yaabaa in aanu ogayn. waana dhibaato in qof dhan oo bini’aadam ah laysku tuur-tuuro oo la yidhaahdo xadhigiisa waxba kama ogin.” Ayuu hadalkiisa raaciyay Xoghayaha guud ee SOLJA.

Bishii June ayay ahayd markii Ilaalada Madaxtooyada Somaliland ay gacanta ula tageen, , isla markaana garaaceen Weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo ka tirsan Wargeyska Madaxa bannaan ee Ogaal. Kaas oo ay gaadhsiiyeen nabaro muuqda iyo kuwo qarsoonba.
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland