Dowladaha Spain iyo France oo Maraakiib Dagaal u diraya Xeebaha Soomaaliya

Cabirka Farta

Bidix: Wasiirka Gaashaandhigga Spain Ms.Carme Chacon iyo Wasiirka Gaashaandhigga France Mr. Herve Morin
Khamiis, July 31, 2008(HOL): Dowladaha Spain iyo France ayaa si wadajir ah waxay shaaca uga qaadeen inay Maraakiib Dagaal u dirayaan Xeebaha Soomaaliya oo ay ka dilaaceen Kooxo Burcad Badeed ah oo Maraakiibta iyo Doomaha qafaasha.

Wasiirrada Gaashaandhigga labada dal oo kala ah Carme Chacon iyo Herve Morin ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Madrid ee dalka Spain waxay ku sheegeen inay go’aankaas qaateen kadib markii ay sii korortay khatarta ay Kooxaha Burcad Badeedka ku hayaan Xeebaha Soomaaliya.

“Waxaan rajeyneynaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan noogu soo biiri doonaan Dalal kale oo iyana wax ka sugi doona ammaanka Xeebaha Soomaaliya”sidaasi waxaa tiri Ms Carme Chacon oo ah Wasiirka Gaashaandhigga Dalka Spain.

Wasiirka Gaashaandhigga Faransiiska Herve Morin ayaa isna sheegay in dalkiisa uu soo dhaweynayo qorshaha ay Dowladda Spain ku dooneyso in Ciidamo ilaaliya loogu diro Xeebaha Soomaaliya oo aaney cidna ilaalin tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya, wuxuuna xusay in haddii ciidamo caalami ah loo waayo in ugu yaraan la heli doono Ciidamo ka socda Qaaradda Yurub.

Hadalkan Wasiirradan ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo bishii April ee aynu ka soo gudubnay Xeebaha Soomaaliya lagu af-duubtay labo Doomood oo ay lahaayeen Dalalka Faransiiska, inkastoo mar dambe doomahaas midna awood lagu furtay midna laga bixiyay lacag madax furasho ah.

Sida ay sii deysay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Badaha ee IMB waxaa Xeebaha Soomaaliya ka dhacay sanadkii hore oo kaliya 25 Weerar oo lagu qaaday Maraakiib iyo Doomo isugu jiray kuwo ganacsato u rarnaa, kuwo gargaar bani’aadannimo waday, kuwo kalluumeysi iyo kuwo ay  la socdeen dad dalxiisayaal ah.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia