RAAD TV oo laga daawaday Europe iyadoo horay looga daawaday Australia, Asia iyo Africa

Cabirka Farta
 TV-ga  Raad
Khamiis, July 31, 2008(HOL): Waxaa todobaadkan soo galay Qaaradda Europe RAAD TV INTERNATIONAL oo bilihii ugu danbeeyay laga daawanayay Qaaradaha Asia, Australia iyo Africa iyadoo si weyn ay usoo dhoweeyeen dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka qurbaha oo mudooyinkan danbe si weyn u xiiseeya Warbaahinta la iska arko ama TVga.
 
Maamulka Taleefishinku waxaa uu sheegay in 24ka saac maalin walba uu ku jiri doonoa RAAD TV isla markaana uu noqon doono mid ay dadku kala socdaan Barnaamijyo kala duwan oo ay kamid yihiin Warar, Waraysiyo, Documentary, Doodo, Barnaamijyo diini ah, Suugaan, Taariikhda islaamka, iyo Madadaalo.
 
Dadka ku nool qaaradda Europe waxaa ay ka daawanayaan TVga Eurobird 9, frequency: 11843, symbol rate: 27500, fec:3/4, transponder:56, sidoo kale waxaa ay ka daawan karaan Eutelsat, halka sadexda qaaradood ee kale ee Asia, Australia iyo Africa laga daawato Eurobird Waxaa kaloo aad ka heli kartaa ama aad ka daawan kartaa Eutelsat W1 oo dadka qaarkii ay ka heleen.
 
Maamulku waxaa ay sheegeen in dadka horay u daawan jiray Hotbird ay u baahan yihiin oo kaliya in ay la xiriiraan  qof farsamo yaqaan ah oo diishashka xidha oo kala taliya sidii ay Eurobird 9 iyo Hotbird ay u wada daawan lahaayeen iyagoon dishka meel kale u jeedinin.
 
Ridwaan Haji-Abdiwali, London
[email protected]