![]() |
Saturday, July 26, 200 | |
![]() | |
| Jendayi Frazer waa sarkaalka ugu sarreeya ee Africa u qaabilsan Mareykanka |
Wareysigiina sidan ayuu u dhacay.
Sideed u aragtaa heshiiska ay dowladda KMG ah iyo Isbaheysiga Dibu Xoreyntu dhawaan ku gaareen Djibouti?
Waan soo dhaweyneynaa, waana taageereynaa heshiiska. Waxaan rumeysannahay in heshiisku uu lagama maarmaan yahay. Iyo in isku dayga xagga siyaasadda ah ee lagu xallinayo dhibaatada Soomaaliya ay tahay tallaabo lagama maarmaan ah. Marka xaqiiqdii waan soo dhaweyneynaa heshiiskaas.
Laakiin waxaa jira garab ka tirsan Isbaheysiga, iyo ururka Al-Shabaab oo aan heshiiskaas saxiixin. Dad badan ayaa qaba in kooxahaas ay wiiqi karaan heshiiska, haddii aan hannaanka heshiiska lagu soo dabbaalin. Sow sidaas kuuguma muuqato?
Waxay ila tahay in inta badan Isbaheysigu ay heshiiska taageersan yihiin. Way jiraan tiro yar, oo aad u yar, oo ku harsan Asmara, oo aan taageerin. Ha yeeshee awoodda ay u leeyihiin iney heshiiskaas wiiqaan ma cadda. Arrinta muhiimka ahi waxay tahay in la takooro shakhsiyaadka iyo kooxaha diiddan inay ka qeyb galaan hannaan siyaasadeed oo aan xoog ku saleysneyn. Kooxahaas waxey diiddan yihiin wada hadal. Waxeyna ila tahay in Soomaalida badankeed ay wada hadal u hammuun qabaan, maxaa yeelay dhibaatadii ayaa ku raagtay.
Haddiiba aad dad la takoorayo soo hadal qaaday, waxaa jirta inuu Danjire Axmedou Walad-Cabdalla kal hore yiri hadal u dhigma inuu ka shaqeynayo sidii ay beesha caalamku u faquuqi laheyd dad uu ku sifeeyey nabad-diid, oo heshiis diid ah. Adigu sideed u aragtaas arrintaas?
Xaq ayuu u leeyahay inuu sidaas u yiraahdo. Maxaa yeelay sida aad ogtahay, kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya haddii aan nahay, isaga ayaan usha u dhiibannay. Waxaan u sheegnay inaan ku taageeri doono dadaalka uu ku doonayo in dhinacyada Soomaalida la'isu keeno, shacabka Soomaaliyeed dartiis. Waxaan fileynaa inaan dhawaan is-aragno. Marka haddii uu na siiyo talooyin iyo tusaalayaal lagu takoorayo kuwa diiddan inay hannaanka wada hadalka ee aan fowdada ka dhisneyn ka qeyb qaataan, waan ku taageereynaa.
Dadka Soomaalida ah qaarkood iyo khubarada siyaasadda u dhuun duleela ayaa qaba in Mareykanku uu kaalin wanaagsan ka ciyaari karo hannaanka nabadda ee Soomaaliya, haddii uu liiska argagixisada ka saaro kooxda Al-Shabaab iyo dad uu kamid yahay Sh. Xasan Dahir Aweys, maadaama aan looga maarmin xalka Soomaaliya.
Horta Al-Shabaab waa koox xag-jirta oo qas wadda. Waana nasiib darro iney isticmaalayaan magaca "dhallinyarada," mana muujin iney daneynayaan wax wada hadal ah. Sidaas darteed, Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa bishii February ku dartay liiska argagixisada. Waxaana naga go'an in aqoonsiga loo aqoonsaday urur argagixiso inaan u isticmaalno inaan xididda-siibno taageeradooda.
Haddii aan ka hadlo Sh. Xasan Dahir Aweys, haddii uu rabo in liiska laga saaro, waa inuu kusoo biiraa hannaanka siyaasadeed. Waa inuu qayb ka ahaadaa wada hadal aan fowdo iyo xoog ku saleysneyn.
Waxaa laga yaabaa inaad ka war heyso in Maxkamaduhu ay labadii toddobaad ee lasoo dhaafay ku shirayeen dalka Yemen, si ay usoo afjaraan khilaaf ku dhex jiray. Iyadoo taas la sugayo ayaan waxaan maqalnay in garabka Asmara ee Isbaheysigu ay Sh. Xasan Dahir Aweys u magacaabeen guddoomiye. Sideed u aragtaa arrintaas, mise ka walaacsan tahay inuu kala jabkan sii fogeeyo rajadii nabadda?
Hubaal waxaa ah inaan ka walaacsannahay. Laakiin arrintani waxay aheyd dhibaato ka jirtay Soomaaliya muddo dheer, taas oo ah qaybihii oo sii kala qeybsamaya, misana sii kala qeybsamaya. Dadka ay arrintaasi dhibaatada ugu badan kasoo gaareyso waa Soomaalida. Waxay dadku u dhibaatoonayaan masiibada bani'aadannimo, oo noqotay midda ugu xun Africa.
Marka tallaabooyinka noocan ah, oo ay ku kacayaan waxa aan ugu yeeri karo siyaasiyiinta Soomaaliya waa mid nasiib darro weyn ah.
Laakiin, sidaas oo uu xaalku yahay, haddana maxaa asal u ah sheegashada uu Sh. Xasan Daahir Aweys sheeganayo inuu hoggaamiyo Isbaheysiga, mar haddii inta badan xubinihii Isbaheysigu ay qayb ka yihiin hannaankan siyaasadda ee uu dhexdhexaadiyey Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Walad-Cabdalla?
Sidaas darteed, ma ogi waxa asalka u ah sheegashada Sh. Aweys ee ah inuu isagu yahay madaxa Isbaheysiga. Uma aqoonsanin in sheegashadaas ay tahay runta. Waxaan wali aqoonsannahay in dhinacyadii ka qeyb galay heshiiskii Djibouti, kuwaas oo ah rajada ugu wanaagsan ee lagu soo afjarayo dirirta Soomaaliya, inay yihiin madaxda Isbaheysiga.
Labadii dhinac ee heshiiska ku gaaray Djibouti ayaa isla gartay in ciidanka Itoobiya laga saaro Soomaaliya, marka la helo kuwa caalami ah oo ku filan. Dowladda Mareykanku diyaar ma u tahay inay siyaasad ahaan taageerto arrinkaas, oo ay ka ololeyso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, mise bixineysaa taageero dhaqaale oo ciidankaas lagu kala wado?
Haa. Waan ognahay in dowladda KMG iyo Isbaheysiga ay si wadajir ah uga codsanayaan Qaramada Midoobay in ciidamo caalami ah in la geeyo Soomaaliya. Mareykankuna wuu taageersan yahay in ciidammadaas la helo. Golaha Ammaankana waan ka wadnaa howshaas.
Dad badani waxay rumeysan yihiin in joogitaanka ciidanka Itoobiya uu sii hurinayo inta badan kacdoonka hubeysan, gaar ahaan Al-Shabaab. Maxaad taas uga jawaabi laheyd, iyadoo waliba la rumeysan yahay in Mareykanku uu markii horeba si hoose u oggolaaday in ciidanka Itoobiya uu soo galo dalka Soomaaliya?
Een, si hoose uma oggolaanin in Itoobiya ay Soomaliya gasho. Xaqiiqdu waxay tahay inaan anigu shakhsiyan ula hadlay saraakiil Itoobiyaan ah, kana waaniyey inay sidaas yeelaan. Ha yeeshee waxay sidaas u yeeleen sababo la xiriira ammaankooda qaranka.
Musiibada Soomaaliya weey ka horreysay galitaanka Itoobiya. Muddo dheer ayeey Soomaaliya aheyd dal burbursan. A
Waxaan taageersanahay qodobka ku cad heshiiska Djibouti ee ah inay ciidanka Itoobiya baxaan, laguna soo beddelo kuwa ka socda qaramada Midoobay. Itoobiyaankuna weey taageersan yihiin qodobkaas.
Waxaan doonayaa inaan kaala hadlo dowladda KMG. Marar badan waxaa sheegtay inaad la shaqeyneysaan dowladda, balse waxaa jirta in dowladda Mareykanku aysan si rasmi ah u aqoonsaneyn dowladda KMG. Sow taas wax lala yaabo ma ahan?
Een ma ahan wax lala yaabo. Khasab ma ahan inaan si rasmi ah u aqoonsano DKMG ah. Waan la shaqeynaa maamulka Soomaalida. Taageero ayaa siinnaa. Waxaan siinnaa taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed-ba. Marka doodda ah in aqoonsi sharci ah loo baahan yahay waa mid aan loo baahneyn.
Laakiin maxaad u aqoonsan la'adihiin?
Ma ahan ineysan dhaceyn, laakiin waa hannaan jira, oo wakhti qaata, una baahan in lagala tashado sharci-yaqaanno. Laakiin waa aqoonsi aan macno ku fadhin, runta markii aan kuu sheego. Maxaa yeelay nagama hor istaagin inaan u aqoonsanno dowladda dalka Soomaaliya, iyo inaan u caawino sidaas.
Haa, laakiin qaar kamid ah madaxda DKMG ah ayaan idiinla jaan-qaadi karin sidii ay jeclaan lahaayeen, aqoonsi la'aanta darteed. Taasina way ka careysiisaa.
Ma hubo sida aysan noola jaan-qaadi karin. Waxaan leennahay danjire masuul ka ah Soomaaliya, kaasoo ah Danjire Rottenburger oo Kenya fadhiya. Waxaan kaloo leennahay ergey gaar ah, oo la yiraahdo John Yates. Aniga xitaa Soomaaliya waan tagay, gaar ahaan Baydhabo.
Waxaan kaloo halkan ku qaabilay madaxweynaha DKMG, Cabdullahi Yusuf. Xoghayaha Arrimaha Dibadduna way la kulantay madaxweynaha. Annagoo wadajir ahna waxaan la kulannay ra'iisul wasaare Nuur Cadde, iyo xubno ka tirsan baarlamaanka.
Sidaas darteed kama warhayo wax aanan la sameynin DKMG ah oo aan la sameynay dowladaha kale ee aan aqoonsannahay.
Marba haddii aan aqoonsi ka hadlayno, ka warran arrinka Somaliland? Hargeysa waad tagtay. Madaxweyne Dahir Rayale Kahin wuu yimid halkan Washington. Dadka qaar waxay leeyihiin waxaa lasoo gaaray xilligii ay dowladda Mareykanku Somaliland u aqoonsan laheyd dal madax-bannaan, marka la eego xasilloonida iyo hannaanka dowladeed ee ka jira, iyo marka la eego sida aysan Somaliland qayb uga aheyn shirarkan dibu-heshiisiinta ee Djibouti iyo meelaha kale ka socda.
Xaqiiqdii waan rumeysannahay in Somaliland ay hagaagsan tahay marka xasillooni laga hadlayo. Doorashooyin ayaa loo ballansan yahay bisha Maarso ee sanadka 2009-ka. Waan soo dhaweyneynaa xasilloonidaas, waana la xiriirnaan maamulka Somaliland, waanna sii wadi doonnaa arrinkaas.
Laakiin aragtideennu waxay muddo dheer aheyd inaan raaci doonno aragtida Midowga Africa ee la xiriirta aqoonsiga rasmiga ah ee Somaliland. Waxaana rabnaa inaan taas kala mid ahaanno Midowga Africa.
Ha yeeshee taasi naga hor istaagi meyso inaan ka shaqeynno hannaanka Dimoqraadiyadda ee Somaliland, isla markaana maal-galinno.
Aan u gudubno xagga xuquuqda aadanaha. Xoghayaha Guud ee QM ayaa warbixin uu dhawaan soo saaray ku sheegay inuu si weyn uga walaacsan yahay waxa uu ugu yeeray dhaqanka dambi oogis la'aanta kuwa ku xadgudba xuquuqda aadanaha. Warbixnno kala duwan oo fara badanna waxay isku raaceen in dhinacyada DKMG ah, Al-Shabaab iyo xitaa Maxkamaduhu inay geysteen falal ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Ma jiraan tallaabooyin aad ku joojineysan dhaqanka aan waxba loo raacaneyn gabood-falayaasha?
Haa, waan ku celcelinnay in dhinac walba uu masuul ka yahay badbaadinta rayidka. Waxaanan ugu baaqnay DKMG ah iyo dhinacyada kale sameeyaan wax walba oo lagu badbaadinayo rayidka, iyo gargaarka bani'aadannimo loo oggolaado inuu gaaro dadka tabaaleysan. Marka waan sii wadeynaa tallaabooyinkaas masuuliyadda leh.
Waxaanse rumeysannahay in madaxweyne Yusuf iyo R/wasaare Nuur Cadde inay qaadeen tallaabooyin eey isugu dayayaan iney gudbiyaan gargaarka bani'aadannimo.
Laakiin xaaladdu waa mid adag, markii ay jiraan kooxo xagjira oo qas-wadayaal ah, sida Al-Shabaab, kuwaas oo beegsanaya shaqaalaha samafalka.
Ugu yaraan 20 shaqaale samafal ayaa la dilay sanadkan, 13 kalena waa la afduubay.
Laakiin sida aad ogtahay, ciidanka Itoobiya xitaa waxaa lagu tuhmay inay geysteen dambiyo ka dhan ah bani'aadannimada. Su'aasheydu waxay tahay, ma jiraan tallaabooyin la taaban karo oo aad arrintan wax uga qabaneysaan, maxaa yeelay dad badan ayaa runtii naftooda ku waayey si caddaalad darro ah?
Sida aan kuu sheegey, dhinac walba waa ka masuul badbaadinta rayidka. Itoobiyana waa qeyb kamid ah dhinacyada. Haddii aan helno xog la xiriirta gabood-fal ay si gaar ah u geysteen Itoobiyaanku, waxaa hubaal ah inaan la xiriireyno dowladdooda, una sheegeynno ineysan isticmaalin awood aan la kala soocin, marka ay eryanayaan argagixsada. Waana inay ogaadaan inay badbaadiyaan rayidka.
Aan ka hadalno arrinta bani'aadannimada ee aad wax ka taabatay. Xaaladdu wey sii xumaaneysaa. QM waxey ku sheegtay inay tahay mid ka liidata xaaladda Darfur. Shaqaalaha samafalka waa tan la khaarijinayo. Maxey dowladda Mareykanku u qabaneysaa dadka tabaaleysan, gaar ahaan kuwa ku barakacay duleedka Muqdisho?
Marka hore waa in la helo hannaan siyaasadeed oo fowdada soo afjara, taasina waa socotaa. Waana bii'ada sababtay musiibadan. Marka taageerada aan siineyno heshiiska Djibouti taas ayay qeyb ka tahay.
Laakiin waxaan kaloo bixinnaa taageero dhaqaale. Sanadkan waxaan bixinnay $233 milyan oo doollar oo ah gargaar bani'aadannimo, oo loogu tala galay dadka tabaaleysan, si loo hakiyo nafaqa-darrada iyo cunta la'aanta. Marka taageero dhaqaale waan bixineynaa.
Ha yeeshee waxaa loo baahan yahay in si guud loo waajoho arrinka. Waxaan isku dayeynaa inaan taageerno nabad-ilaaliyayaasha AMISOM. Waxaan $65 milyan oo doollar ku bixinnay keenista ciidamada Uganda iyo Burundi, waana sii wado doonnaa taageeradaas.
Ugu dambeyntii, aan ka hadalno xasard kale oo gobolka ka alsoosan. Sida aad ka warqabto, dirir keentay dhimasho iyo dhaawac fara badan ayaa dhawaan dhexmartay dalalka Djibouti iyo Eritrea, meel ku taalla soohdinta labada dal.
Maxaad ka dhihi laheyd dirirtaas, gaar ahaan iyadoo dadka qaar ay qabaan iney ku salka ku hayso arrinta Soomaaliya. Waa tii qayb kamid ah mucaaradku ay kasoo hayaameen Asmara, oo soo dageen Djibouti. Waxaa la leeyahay Eritrea taas ayaa u cuntamid weyday?
Een, waan maqalnay taas. Dhowr siyaabood ayaa loo sharraxay dagaalkaas, laakiin wakhtiga ay Eritrea kusoo duushay Djibouti waa mid lagala dhex bixi karo inay cududdeeda u muujineyso Djibouti, heshiiska Soomalida dartiis. Dad kale ayaa qaba in Eritreyaanku ay ka caroodeen askar badanoo kuwooda ah oo u baxsaday dhanka Djibouti.
Way adag tahay in la fahmo waxa ay u qaadeen tallaabadaas, markii ay jirto dowlad wax qarisa, oo waliba gobolka oo dhan wiiqeysa.
Dowladdani waa mid ay cambaareeyeen Jaamacadda Carabta, Midowga Africa iyo QM.
Djibouti-na waa ay is xakameysay. Taasina waa mid aad u muhiim u ah, si loo hakiyo dirir kale oo ka qaraxda Geeska Africa.
Xigasho: BBC, July 26, 2008


Wareysiga Jendayi