Axad, July 27, 2008(HOL): Xaaladda Magaalada Beledweyne oo labadii cisho ee la soo dhaafay ay ka jireen dagaallo aad u culus oo u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya iyo Kooxaha ka soo horjeeda ayaa maanta degan, gaar ahaan Xaafadda Howl-wadaag oo ah halka dagaalka xooggiisu ka dhacay.
Ciidamada Itoobiya oo maalintii shalay ahayd dagaal culus kadib dibadda uga saaray Magaalada Xoogagga ka soo horjeeda ayaa maanta si weyn loo arkayaa Xaafadda Buundo-weyne oo ka mid ah meelaha sida gaar ah Ciidamadu u bartilmaameedsanayaan.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada ayaa goor dhaw kulan ay wada qaateen Odayaasha iyo Wax-garadka Xaafadda Buunda-weyn waxaa ay ku taliyeen in laga wada shaqeeyo Nabad-galyada isla markaana sida ay hadalka u dhigeen layska fogeen Kooxaha Nabadda ka soo horjeeda, waxaana ay intaas ku dareen in xabad kaliya oo lagu rido ay sababi karto in ay dad badan oo biri-ma-geydo ah dhintaan.
Waxaa ay Saraakiishu sheegeen in hadda Xaafadda Howl-wadaag tahay goob Nabad ah sidoo kalenay nabadgelyo ka dhigi doonaan meel kasta oo ka tirsan Beledweyne oo amni darro looga soo sheego.
Inkastoo Xaaladdu tahay mid degan ayaa haddana waxaa jira qul qulka iyo barakaca dadka rayidka oo intooda badan wali maanka ku sii haya hubkii lagu isticmaalay dagaalladii ka dhacay Magaalada labadii cisho ee la soo dhaafay, waxaana magaalada ka muuqaneysa cidlo badan iyo xir xirnaan dhinaca ganacsiga ah.
Lama oga waxa saacadaha soo socda dhici kara mar haddii Magaaladu wali tahay goob Miletari oo ay ku loo lamayaan awoodo iska soo horjeeda.
Dhinaca kale Mas'uulkii ugu horeeyay oo ka tirsan Maamulkii Dowladda Federaalku u soo magacawday Gobalka Hiiraan ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada. Aadan Cabdi Ciise (Garaaso) oo dib ugu soo laabtay gurigii uu ka daganaa Magaalada, inkastoo ilaaliyaan Ciidamo Itoobiyaan ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia