Is-casilaadda Mas’uuliyiinta Degmooyinka Gobolka Bay oo sii kordheysa

Cabirka Farta

Sabti, July 26, 2008(HOL): Waxaa sii kordheysa shaqo-ka-tegis ay sameynayaan Mas’uuliyiinta Degmooyinka Gobolka Bay, kuwaasi oo maalmahan Idaacadaha uga dhawaaqayay Is-casilaaddooda.

Inta badan mas’uuliyiinta Degmooyinka Gobolka Bay ayaa is-casilay, waxaana ugu horeeyay Guddoomiyayaasha Degmooyinka Qansax-dheere iyo Ufurow, halka shalay iyo saakayna ay is-casilaaddooda ku dhawaaqeen Guddoomiyaha Degmada Buur-Hakaba Maxamed Cabdi Aw-kaarey, Guddoomiyaha Degmada Diinsoor C/xafiid Shiikh Xuseen iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Degmada Berdaale ninka lagu magacaabo Isaaq Abshirow Aadan.

Mas’uuliyiintan is-casilay ayaa waxay ku sheegeen sababta ay isu casileen iyadoo aaney waxba u soo wehlin xilka loo magacaabay, wuxuuna Guddoomiyaha Degmada Diinsoor C/xafiid Shiikh Xuseen uu sheegay in aysan xitaa heysan agabkii ay Degmada uga shaqeyn lahaayeen, marka laga soo tago xuquuqdii ay lahaayeen.

Guddoomiyaha  Gobolka Bay C/fataax Ibraahin Geesey oo wax laga weydiiyay is-casilaadda ay sameynayaan mas’uuliyiinta Degmooyinka Gobolka ayaa wuxuu sheegay in aysan jirin cid is-casilaad u soo gudbisay, wuxuuna sheegay in haddii arintaas jirto ay u taallo Wasaaradda Arrimaha Gudaha  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu sheegay in ay iyadu u xil-saaran tahay sameynta maamullada Gobollada Dalka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia