Axad, July 27, 2008(HOL): Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay Xaruntooda KMG ah ee ku taala Magaalada Baydhabo ayaa waxay gunaanadkii kulankooda isku raaceen in Ciidamo dhawaan lagu soo tababaray oo Mileteri iyo Boolis isugu jira ay sugaan Ammaanka Gobolka Bay iyo Gobollada la deriska ah.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa markii warbixin laga dhegeystay Guddiga Ammaanka ee Baarlamaanka wuxuu ku dhawaaqay go’aankii Baarlamaanka oo ahaa mid ay Xildhibaannada ku gaareen si gacan taag ah.
“Kulankii maanta waxaa ka soo xaadiray 155 Mudane, dhamaan Mudanayaashaasna waxay u codeeyeen in Ciidamada dhawaan lagu soo tababaray Itoobiya ay sugaan Ammaanka Gobolka Bay iyo Gobollada la deriska, mana jirin Xildhibaan ka aamusay iyo mid diiday intaba”ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa.
Ciidamadan ayaa qeybo ka mid ah waxay u gudbeen dhinaca Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, halkaasi oo ay ka jirto amni darro baahsan, lamana oga in iyana Ciidamadan loo gudbin doono Magaalada Muqdisho.
Go’aanka ay Xildhibaannada Baarlamaanka ku gaareen in Ciidamadii lagu soo tababaray Itoobiya ay sugaan Ammaanka Gobolka iyo Gobollada la deirska ah ayaa waxay dad badan ku fasireen in Xildhibaannada ay doonayaan in ay Ciidamadaas ammaankooda sugaan, bacdamaa ay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ay weerarrada u weeciyeen dhinaca Gobolka Bay, gaar ahaan Magaalada Baydhabo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia