Gaari ku rogmaday inta u dhaxeysa Magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso oo dhimasho iyo dhaawac sababay

Cabirka Farta


Jimco, July 18, 2008(HOL): Ugu yaraan Afar Ruux ayaa ku dhimatay Tiro kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray Gaari nooca Waaraadka ah oo Maanta ku Rogmaday inta u dhaxaysa Magaalooyin Bosaaso iyo Qardho Tuulo lagu Magacaabo Yeeko Yeeko.

Dad Goob joogayaal ah ayaa sheegay in Gaariga uu ku socday xawaare sare ,xiligii uu rogmanayay ,isla markaan uu doc uga baxay Laamiga, taasi oo dabadeedna sababay in dhimasho aad u fara badan ay soo gaartay qaar ka mid ah Rakaabkii Gaarigaasi saarnaa.

Maydadka iyo Dhaawacyada ayaa loola Cararay Isbitalka Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Kar Kaar, iyadoo la soo sheegayo in Xaaladda Caafimaad ee qaar ka mid ah dadkii dhaawacyadu soo gaareen ay tahay mid aad u liidata.

Gaarigan Rogmaday ayaa markii hore ka soo amba baxay Magaalada Boosaaso ,isagoo ku sii jeeday Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaana Wararku ay Intaasi ku darayaan in loo gurmaday dadkii ku waxyeeloobay rogmashada Gaarigaasi.

Taliyaha Wadooyinka Gobolka Kar Kaar ee Maamulka Puntland Siciid Cali Faarax ayaa sheegay in ay soconayaan hawlo loogu gar gaarayo Dadkii waxyeeladu ay ka soo Gaartay Gaarigan ku Rogmaday inta u dhaxaysa magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho.

Khasaaraha soo gaaray dadka uu la Rogmaday Gaariga ayaa noqonaya kii uga badanaa muddo iminka laga joogo labo billood gudaheed, iyadoo bil ka hor gaari caynkaan oo kale ah oo siday dad Rakaab ah uu ku qalibmay meer meerka u dhaxeeya Magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho.

Rogmashada  baabuurta ayaa inta badan ka dhasha Gaawaarida oo ku socda xawaare aad uga sarreeya midka loogu tala galay, waxaana intaasi u sii dheer waddooyinkii oo ah kuwo aan Munaasib ku ahayn in baabuurta ay xoog u socdaan.

Inkastoo Laamiga u dhaxeeya Boosaaso iyo Qardho uu yahay mid siman oo aysan jirin wax burbur ah oo ka muuqda hadana waxay  shilalka noocaan oo kale ah ka noqdeen kuwa soo badanayay waqtiyadii u danbeeyay.

 
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bossaso, Somalia