Iska hor'imaad labo kooxood ku dhaxmaray bar koontarool oo ku taala meel aan ka fogeyn Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan

Cabirka Farta
Jimco, July 18, 2008(HOL): Iska hor'imaadka oo socday muddo kooban ayaa ka dhashay weerar gaadmo oo kooxo ku hubeysnaa qoryaha fudud ku soo qaadeen Bar koontarool oo kooxo Maleeshiyo ah u tiilay meel aan ka fogeyn Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan.
 
Inta la og-yahay waxaa Iska hor'imaadkaas ku geeriyooday mid ka mid ah kooxihii Maleeshiyada ahaa ee joogay Barta Koontarool, halka sidoo kalana kooxaha weerarka soo qaaday horay u kaxeystaan labo ka tirsan Maleeshiyada oo sida wararku tilmaamayaan laga bur buriyay jidgooyadii halkaas u tiilay.
 
Kooxaha weerarka soo qaaday oo ku socday gaari noociisu ahaa (Toyota Surf)  ayaa markii dambe dib ugu laabtay Degmada Matabaan oo sida wararku sheegayaan markii horeba ay ka soo amba baxeen, waxaana ilaa hadda aan la ogeyn cidda dhab ahaan ay ka tirsanaayeen kooxahaasi.
 
Laakiin waxaa maalmihii aynu soo dhaafnayba jiray in Ciidamo ka tirsan Maxkamadaha Islaamka ka wadeen wadada isku xirta Goboladda dhexe howl-gallo lagu sugayo Nabad-galyada, taasoo qeyb ka ah burburinta jidgooyada sida sharci darrada ah u dhigtaan kooxaha Maleeshiyada ah.
 
Dhinaca kale magaalada Beledweyne oo maalmihii aynu soo dhaafnayba ay gacanta ku hayeen Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga ayaa hadda ammaankeeda waxaa la wareegay Ciidamo Madani ah oo ka soo dhax baxay dadka deegaanka kuwaas oo si ku meel gaar ah gacanta ugu sii haya Xarunta Maamulka Gobalka, Saldhiga Baliiska, iyo Xabisga dhexe ee Magaalada.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia