Jimco, July 18, 2008(HOL): Waxaa Isniintii ina soo dhaaftey lagu furey tartanka cayaaraha Kubadda Koleyga ee dhalinyarada. kuwaasoo ay ka soo qeybgaleen 10 wadan oo ka kala socdey wadamada carabta.
Waxaa xaflada furitaanka joogey dhamaan madaxda xiriirka wadamada carabta iyo madaxda xiriirka wadanka Morocco oo iyagu cayaarahan martigelinaayey. Waxaa kaloo goob joog ka ahaa mayorka magaalada oo halkaa cayaaraha ku furay.
Xaflada furitaanka waxaa dhamaan cayaartoydii wadamada carabta ka socotey ay soo hor istaageen madaxdaas, waxaan ugu horeeyey xulkeena qaranka soomaaliyeed.
Waxaase halkaas ay lama filaan ku noqotey madaxdaa xiriirka ee wadamada carabta waayo waa markii ugu horeysey oo wadankeena soomaliya uu ka qeybgalo cayaaraha jaamacadaha carabta mudo laga joogo 18 sanadood.
Prince Al-Talaal oo ah President of Arab League ayaa halkaas qudbad ka jeediyey wuxuu aad ugu mahad celiyey wadankeena soomaliya ka soo qeyb galka ay ka soo qabgashey cayaarahan waxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahey aragtida calanka soomaaliyeed.
Waxaa halkaas qudbad gaaban ka soo jeediyey gudoomiyaha gu xigeenka xiriirka kubadda koleyga ee wadamada carabta isla markaana ah gudoomiyaha xiriirka kubadda koleyga ee Marocco Mr Nuradiin, waxuuna yiri “waxaa la yaab ah in ay wadamo badan oo dowlad dhisan leh ay ka soo qeyb geli waayaan cayaarahan aan qabaneyno, ku wasoo ka mid ah Qatar, Bahrain, Oman, Lebnan, Jabuuti iyo Sudan balse wadanka soomaaliya oo manta wadanka xaalad xun ku jirta in ay nagala soo qeybgasho cayaarahan. Waa arin dhamaanten naga yaabisay, waxaana ay balan qaadeen in ay nala shaqeyn donaan nagana caawin donaan wixii aan ugu baahano arab league”.
Cayaartoyda xulka qaranka soomaaliyeed oo ka qeyb galey tartankaan waxey ka kala yimaadeen Canada iyo UK waxaan macalin u ah cayoortoygii caanka ahaa ee xulka qaranka Omar Mohamed Omar (Anyeelo). Waxaana wafdiga Soomaaliyeed hogaaminaayey Godoomiye ku xigeenka xiriirka kubada koleyga Soomaaliyeed Ing Bana Ali.
Baana Cali
[email protected]