Dad rayid ah oo xalay siyaabo kala duwan loogu dilay Ceelasha Biyaha, Wanla-weyn iyo Baydhabo

Cabirka Farta

Jimco, July 18, 2008(HOL): Waxaa xalay siyaabo kala duwan loogu dilay Dad rayid ah Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho iyo gudaha  Degmooyinka Wanla-weyn iyo Baydhabo ee Gobollada Bay iyo Shabeelaha Hoose.

Dadka la dilay oo tiradoodu gaareyso shan ruux ayaa seddex ka mid ah waxaa lagu dilay deegaanka Ceelasha, iyadoo mid ka mid ah dadkaas la dilayna la sheegay in uu ahaa Hor-joogaha Xero Qaxooti oo ku taala Deegaanka Ceelasha Biyaha.

Kooxo Bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in ay seddexdaas nin toogteen, ilaa iyo haatanna lama garanayo sababta ka dambeysa dilka marxuumiintaas oo Deegaanka Ceelasha Biyaha Qaxooti ahaan u deganaa.

Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabelaha Hoose ayaa lagu soo waramayaa in xalay lagu dilay nin ka tirsanaan jiray Ciidamadii Nabad-sugidda Soomaaliya, kaasi oo la sheegay in wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii hore uu ahaa qof aan ku lug yeelan howlaha Ciidamada. Ninkani waxaa la sheegay in ay toogteen kooxo bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasi oo baxsaday kadib markii ay dilka geysteen.

Ugu dambeyntiina Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa xalay waxaa lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo la sheegay in uu  ahaa Arday Kutubta Cilmiga ka aqrista Masjid ku yaala Xaafadda Berdaale ee Magaalada Baydhabo, waxaana wiilkaas dhalinyarada ah toogtay kooxo hubeysan oo loo qaatay in ay burcad ahaayeen.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia