Suuqa Maana-boolyo oo loo sameynayo Ciidamo u gaar ah oo ammaankiisa suga

Cabirka Farta

Talaado, July 15, 2008(HOL): Ganacsatada Suuqa Maana-boolyo ee Degmada Shibis ayaa waxay sheegeen in ay Ciidamo gaar ah u sameyn doonaan Suuqaas, waxayna sheegeen in ay arrintaas ogolaasho uga heleen Maamulka Gobolka Banaadir.
 
Afhayeenka Ganacsatada Suuqa Maana-boolyo Barre Maxamuud Shiikh ayaa sheegay in kadib markii uu xumaaday ammaanka Suuqaas ay maamulka gobolka Banaadir ka codsadeen in ay sameystaan Ciidamo u gaar ah oo sugi doona ammaanka Suuqa Maana-boolyo oo ka mid ah Suuqyada waa weyn ee Magaalada Muqdisho.

“Arrintaas waxaan kala hadalnay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Bulshada Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax-tuur), wuuna naga ogolaaday, mar dhowna waxaan Suuqa u sameyn doonnaa Ciidamo gaar ah oo yeelan doona labis lagu garto”ayuu yiri Barre Maxamuud Shiikh.

Afhayeenka Ganacsatada Suuqa Maana-boolyo waxaa uu sheegay in ay arrintaas ka dalbadeen Maamulka Gobolka Banaadir kadib markii ay gudaha Suuqa ku soo kordheen falal nabadgelyo ah oo isugu jira dil iyo dhac, wuxuuna carrabka ku dhuftay in haddii ay Ciidamadaas sameystaan uu ammaanka Suuqa hagaagi doono.

Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayay Dowladda Federaalka Soomaaliya ogolaatay in loo sameeyo ciidamo u gaar ah oo leh dhar lagu aqoonsado, wuxuuna ammaanka Suuqa noqday mid hagaagsan tan iyo wixii ka dambeeyay markii Ciidamadaas loo sameeyay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia