Talaado, July 15, 2008(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta wuxuu eedeyn u jeediyay Hay’adaha Samafalka oo uu sheegay in aysan waxba u qaban dad badan oo ku dhibaateysan gudaha Magaalada Muqdisho.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Bulshada Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax-tuur) ayaa sheegay in ay dhowr jeer ka codsadeen Hay’adaha Samafalka in ay dadka ku nool xeryaha qaxootiga ay ugu deeqaan Raashin Dawo, Baco iyo Maro-kaneecooyin, wuxuuna sheegay in aaney jirin ilaa iyo haatan Hay’ad dadkaas u gurmatay
“Hay’ado dadka samafal u fidiya waa jiraan mise ka badna 10 hay’ad haddii la tiriyo, wadankana waxaa jooga 10 Hay’adood ka badan”ayuu yiri Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur oo sheegay in ka badan 680 NGO oo Soomaaliya ka howlgala aysan Dadka dhibaateysan waxba u qaban, isagoo xusay in ay NGO-yadaas la wareegeen howlihii ay qaban lahayd Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Markii uu Guddoomiye ku xigeenka eedeyntan u jeedinayay Hay’adaha Samafalka waxaa uu ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku soo bandhigayay Dad shan ruux gaaraya oo ku dhintay roob 12 saac ka badan ka da’ayay magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.
Shanta Ruux ee geeriyootay ayuu sheegay Guddoomiye ku xigeenka in ay isugu jireen 3 Caruur ah iyo 2 ruux oo dad waa weyn ah, wuxuuna caddeeyay in ay dadkaas ahaayeen dad qaxooti ah oo ku noolaa guryo cooshado ka sameysan oo ay ka dhex dhisteen dhismayaal duugoobay oo Muqdisho ku yaala.
Ugu dambeyntii Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Bulshada Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax-tuur) waxaa uu sheegay in uu mar kale Hay’adaha Samafalka ugu baaqayo in ay u gurmadaan dadka ku dhibaateysan gudaha Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia