Talaado, July 15, 2008(HOL): Iska hor-imaad hubeysan ayaa xalay wuxuu ka dhacay Xaafadda Jaayga Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, iyadoo iska hor-imaadkaasna uu dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Iska hor-imaadkaas ayaa la sheegay in ay ku dhinteen seddex ruux oo isugu jiray Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo labo ruux oo rayid ah, iyadoo sidoo kalena la sheegay in uu dhaawac ka soo gaaray haweeney Uur leh oo ay rasaas ugu tagtay meel ay ku sugneyd..
Wararku waxay intaas ku darayaan in iska hor-imaadka uu yimid kadib markii ay Kooxo hubeysan isku dayeen in ay weeraraan guri ku yaala Xaafadda Jaayga ee Degmada Dharkeenley oo la sheegay in uu degan yahay Sarkaal ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka, kaasi oo dhawaan halkaas loo bedelay.
Degmada Dharkeenley ayaa dhawaanahan waxay ahayd mid xaaladdeeda degan tahay oo aysan ka jirin iska hor-imaadyo joogto ah oo ka dhici jiray, wuxuuna iska hor-imaadkii xalay ahaa mid dadka degmadaas ku dhaqan wel wel iyo cabsi ku abuuray.
Dhanka kalena, Xaafadda Siligga ee Degmada Madiina ayaa waxaa saaka lagu arkay meydka qof rayid ah, kaasi oo aan la ogeyn ciddii dishay, waxayna dad meydkaas soo arkay ay sheegeen in jirka meydka qofkaas oo Rag ah ay ka muuqatay rasaas lagu dilay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia