Cabsi dagaal oo ka jirta Degmada Bardaale ee Gobolka Bay

Cabirka Farta
Talaado, July 15, 2008(HOL): Dad yar oo weli ku harsan Degmada Berdaale ee Gobolka Bay ayaa waxay cabsi ka muujinayaan in uu Degmadaas ka dhaco dagaal dhexmara Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhawaan gaaray deegaano u dhow Degmada iyo Xoogag ka soo horjeeda oo iyana ku sugan meel aan u dheereyn Degmada.
 
Inta badan dadkii ku dhaqnaa Degmadaas ayaa waxay u barakaceen deegaannada u dhow Degmada, iyagoo ka baqaya in ay dushooda ku dagaallamaan, isla markaana ay dhibaato ka soo gaarto dagaal ay suurtagal tahay in uu labada dhinac dhexmaro.
 
Mid ka mid ah dadka ku haray Degmada Berdaale ayaa wuxuu sheegay in cabsida ay qabaan ay timid kadib markii Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhawaan ka gudbay Degmada Berdaale, isla markaana aaday dhinaca Gobolka Gedo ay dib ugu soo noqdeen Degmada, isagoo xusay in ay dhinaca kalena Degmada nawaaxigeeda joogaan Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya.
 
Deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Gobollada Bay iyo Bakool ayaa dhawaanahan waxaa gacan ku heyntodooda la wareegayay Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya, iyadoo ay xusid mudan tahay in dhawaan ay xoogaggaas weerar madaafiic loo adeegsadya ku qaadeen Magaalada Baydhabo oo ah Xarunta Gobolka Bay.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia