Sabti, 11, July, 2008 (HOL): Kulan Saacado qaatay ayaa Magaalada Beledweyne markii ugu horeysay waxaa ku yeeshay Saarkiisha Maxkamadaha Islaamiga ee gacanta ku haya Gobalka Hiiraan iyo Mas'uuliyiinta hay'adaha Samafalka ka howlgala Gobalka.
Kulanka oo ahaa mid si saraaxad leh u dhacay ayaa waxaa si weyn diiradda loogu saaray qodobo ay ka mid ahaayeen Nabad-galyada hay'adaha Samafalka iyo sidii loogu gargaari lahaa dadka abaaruhu ku dhufteen ee ku dhaqan qeybo ka mid Gobalka Hiiraan.
Col. Cumar Xaashi Aadan oo ka mid ah mas’uuliyiinta Isbaheysiga Dib u xoreynta uga qeybgalay kulanka ayaa sheegay in xiligan maanta la marayo la oran karo dadku waxaa uu ka liitaa 1992 waayo ayuu yiri xitaa hadda Xooluhu maheystaan daaq ku filan taasoo keeni karta ayuu yiri in dadku u baxsan waayo dhinaca Xoolaha, isaga oo intaas ku daray haddii ay arimuhu sidan ku sii socdaan xaaladdu meel halis ah gaari doonto.
" Waxaan Maqalnaa oo kaliya hay'adaha Samafalka oo leh dadka dhibaateysan meel gar gaar loo mariyo malaha, Burcad ayaa gadiidka dhaceysa, Jidadku waa ay xiran yihiin, iyo wax la mid ah, waxaa is weydiin mudan maxey hay'aduhu xoodga u saaraan oo kaliya halka Burcaddu joogto maa gar gaarka loo weeciyo meelaha Nabdoon sida ayuu yiri deegaannada ay gacanta ku hayaan Maxkamadaha Islaamiga.
Mar uu soo hadal qaaday dhinaca Dowladda Federaalka waxaa uu yiri " Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo oo kaliya ayaan ka maqlnaa Dowlad ayaa dalka ka jirta, xitaa magaalooyinkaa Nabad kuma joogaan oo gambasho ayay ku jiraan, sidaas daraadeed yeeysan hay'aduhu isku haleynin ayuu yiri wararkaas iyaga ah.
Gobalka Hiiraan ayuu sheegay in hadda dhammaan ay gacanta ku hayaan Maxkamadaha Islaamiga marka laga reebo Buurta Jante-kuundisho oo gacanta ugu jirta ayuu yiri Cadawga dalka ku soo duulay, sidaas daraadeed hay'aduhu waa in ay wax naga weydiiyaan arimaha Nabad-galyada ayuu sii raaciyay si markaa aan loo dhicin wax yaabaha gar gaarka ah ee loo wado dadka dhibaateysan.
''Annagu cid kasta oo noo gar gar gaareysa waan soo dhaweyneynaa xitaa haddii uu yahay Gaalka kan ugu xun” ayuu yiri Col. Cumar Xaanshi oo intaas raaciyay in aan la joogin xili wax la kala sooc sooco.
Dhinaca kale Cilmi Garweyne oo ah Madaxa hay'adda DRC oo ku hadlayay Mas'uuliyada hay'adaha Samafalka Gobalka ayaa si kulul uga hadlay arimaha Nabad-galyada, isaga oo carabka ku dhuftay in jawiga hadda lagu jiro uusan aheyn mid dhab ahaan lagu shaqeyn karo.
"Shalay oo kaliya waad maqasheen waxa ka dhacayay Xamar iyo hareeraheeda, dad umadda gar garaya ayaa la dilayaa, hadana waxaad maqleysaa lama garanayo dadka dilay, sidaa daraadeed waa in la helaa damaanad qaad cad si loo ogaado cid arimahan ka danbeysa ayuu yiri Cilmi Garweyne.
Waxaa uu intaa ku daray in hay'adaha dhinacooda diyaar u yihiin in lala xisaabtamo laakiin ayuu yiri Maxkamaduhu iyaguna xisaabtan ha ogolaadeen, oo haddii ay wax ka og yihiin kuwa dadka dilaya hanoo sheegeen haddii kale gacan arintaas hana siiyaan ayuu intaas sii daba dhigay.
Sikastaba arrintu ha ahaatee, Kulanka oo ahaa mid si furan loogu wada hadlay ayaa intii uu socday waxaa Golaha Odayaasha dhaqanka ee kulanka dhinac ka fadhiyay farriin u soo diray Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee joogta Jante-kuundisho kuwaas oo ku wargaliyay haddii aysan sida ugu dhaqsiyaha badan ugu imaan in ay soo gali doonaan Magaalada, waxaana markiiba dhinaca Xerada Jante-kuundisho u dhaqaaqay xubno ka tirsan Golaha Odayaasha Dhaqanka, iyadoo dhinaca kulanka la sheegay in la qabanayo guddi farsamo oo guda-geli doona sidii ay u wada shaqeyn la haayeen Maxkamadaha iyo Hay'adaha Samafalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Saraakiisha Maxkamadaha Islaamiga oo kulan xasaasi ah Magaalada Beledweyne kula qaatay Mas'uuliyiinta hay'adaha Samafalka ee ka howlgala Gobolka
Cabirka Farta
More News
- Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland oo dib ula wareegay gacan ku haynta Degmada Laas qoray ee Gobolka Sanaag
- Waa imisa Mushaarka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya?
- Hay’adda DBG oo sheegtay in ay joojisay Howlihii samafalka ee ay ka waday Soomaaliya
- Dadkii ka barkacay xiisadda colaadeed ee ka taagan Magaalada Beledweyne oo dhibaato kale kala kulmay deegaannadii ay ku barakaceen
- Golaha Dhaqanka iyo Midnimadea Beelaha Hawiye oo cambaareeyay Dad ay shalay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ku dileen Deegaanno ka tirsan Degmada Dayniile
- Xaaladda Caafimaad ee Samafale Cali Baashi Aloore oo ka soo reyneysa
- Xaafado ka tirsan Degmada Dayniile oo ay Dadkii deganaa ka barakacayaan