Sabti, July 12, 2008(HOL): Xaafado dhowr ah oo ku yaala Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka barakacaya dadkii ku noolaa kadib markii ay shalay qaar ka mid ah Xaafadahaas ka dhaceen dilal loo geystay dad gaaraya 7 ruux, kuwaasi oo ay dileen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya.
Dadkani ka barakacaya xaafadahooda ayaa waxay u kala baxeen kuwo aaday xaafado kale oo ka tirsan Degmada Dayniile, halka kuwo kalena ay aadeen xaafado ka tirsan Degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir.
Xaafadaha ay Dadka ka barakacayaan ayaa waxaa ka mid ah Raadeerka, Tusbaxle, T-da iyo kuwo kale, waxayna dadkaasi ka cararayaan dhibaato ka soo gaartay Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira oo maalintii labaad xaafadahaas howlgallo ka wada.
Saaka lagu soo waramayaa in ay mar kale gudaha u galeen Xaafadaha Degmada Dayniile Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira, kuwaasi oo la sheegay in ay ka soo baxeen Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga iyo Xeradii Guul-wadayaasha.
Howlgalka ay Ciidamadan sameynayaan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo todobaad ka hor ay ahayd markii 9 askari oo ka tirsan Ciidamada Saldhigga Booliska Dayniile ay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ku dileen gudaha Degmada Dayniile, iyadoo dilka Askartaas kadibna uu Taliska Booliska Gobolka Banaadir sheegay in ay gacanta ku dhigi doonaan Amniga Degmada Dayniile.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia