Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland oo dib ula wareegay gacan ku haynta Degmada Laas qoray ee Gobolka Sanaag

Cabirka Farta

Sabti, July 12, 2008(HOL): Ciidamada Maamulka Dawlad Goboleedka Puntland ayaa maanta dib ula wareegay Gacan ku haynta Degmada Laas Qoray ee Gobolka Sanaag kadib markii Degmadaasi ay isaga baxeen Ciidamo ka tirsan Maamulka Somaliland.

Mas’uuliyiinta Gobolka Sanaag ee Maamulka Puntland ayaa sheegay in aysan jirin wax Dagaal ah oo dhaxmaray labada Ciidan ee isaga hortegay Degmada Laas qoray ee Gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Siciiid Nuur Dabayl oo la hadlayay Saxaafadda Boosaaso ayaa sheegay in arintani ay timid kadib markii Ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan Puntland la geeayay Degmada Laas Qoray oo horay Gacanta ay ugu hayeen Maamulka Somaliland.

Ciidamada Somaliland ee isaga baxay Degmada Laas Qoray ayaa la soo sheegayaa in ay gaareen Degmada Ceerigaabo oo iminka ay ka taliyaan Maamulka Somaliland.

Lama Garanayo in Ciidamada Somaliland ay dib u soo rogaal celin doonaan ,basle wararku waxeey intaasi ku darayaan in Degmadaasi ay ka soconayaan hawlo Militri oo ay samaynayaan Ciidamada Maamulka Puntland.

Degmada Laas Qoray ee Xeebta Kulaasha oo baryhaanba ay ka taagnaayeen Xiisado Colaadeed ayaa la soo sheegay in Iminka aysan jirin wax cabsi dagaal ah oo degmadaasi ka jirta.

Ma jiraan wax hadal ah oo ka soo yeeray Maamulka Somaliland oo ku aadan arinta ah in Puntland ay la wareegtay gacan ku haynta Degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag.

Sidoo kale waxaa weli xiisad aad u xoog badan ay ka taagan tahay Degmada Calmadaw ee Deegaanka Ayl ,halkaasi oo wali afduub loogu haysto dad Ajaanib oo u dhashay dalka Jarmalka.
 
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bossaso, Somalia