Sabti, July 12, 2008(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa si kulul u cambaareeyay dad ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ay ku dileen Deegaanno ka tirsan Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in ay si kulul u cambaareynayaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo uu sheegay in ay dad badan ku dileen Deegaanno ka tirsan Degmada Dayniile.
“Falka ay Ciidamadaas ku kaceen ma ahayn Bani’aadannimo, waana cambaareyneynaa, waxaana leenahay arrintaas waxay ahayd mid abaabulan oo la doonayay in lagu dhameeyo dadka ku dhaqan Degmada Dayniile”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.
Maxamed Xasan Xaad waxaa uu sheegay in falka ay Ciidamadaas ku kaceen uu uga sii darayo dhibaatada Soomaaliya ka jirta, wuxuuna caddeeyay in inta ay socdaan falalka noocaas oo kale ah aysan horumar sameyn karin dadaallada ay Beesha Caalamka ku dooneyso in ay xal ugu hesho mushkiladda Soomaaliya.
Laakin iyadoo eedeyntaas loo jeedinayo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ayuu hadana Guddoomiyaha Degmada Dayniile Mukhtaar Xasan Caddow uu sheegayaa in dadka ay Ciidamadooda dileen ay ahaayeen Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda, kuwaasi oo sida uu yiri rasaas ku soo riday iyagoo howlgallo sameynaya.
“Caddeymo ayaan heynaa muujinaya in dadka aan dilnay ay ahaayeen Kooxaha dagaalka kala soo horjeeda Dowladda, waayo taleefoonno Mobile ah oo aan qaarkood ka qaadnay ayaan ka helnay dad la gowracayo iyo kuwo bir kulul lagu gubayo”ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Dayniile.
Ugu dambeyntiina, Dad ku nool Xaafado ka tirsan Degmada Dayniile ayaa waxay sheegeen in ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay dileen Dhalinyaro ay guryahooda kala baxeen, kuwaasi oo aan wax xiriir ah la lahayn Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia