Jimco, July 11, 2008(HOL): Dad ku sugan Deegaanno ka tirsan Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Xaafadaha Tusbaxle iyo Raadeerka ayaa waxay sheegeen in Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo maanta howlgallo ka sameeyay xaafadahaas ay dileen dad rayid ah oo tiradoodu gaareyso 7 ruux.
Axmed Cabdi Nuur oo ka mid ah Dadka ku dhaqan Deegaanka Raadeerka ee Degmada Dayniile ayaa wuxuu sheegay in ay Ciidamada dileen dad rayid ah oo gaaraya 7 Ruux, kuwaasi oo uu sheegay in ay qaarkood ka kaxeysteen guryahooda, halka kuwo kalena ay Waddooyinka xaafadahaas ku toogteen.
“Dadka ay Ciidamada dileen waxaa ku jira wiil aan aqaano oo la yiraahdo Cumar Professor oo ka shaqeynayay Ceel ku yaala Xaafadda Raadeerka, waxayna wiilkaas ku dileen Ciidamadu meel u dhow Ceelkiisa”ayuu yiri Axmed Cabdi Nuur oo intaas ku daray in Dadkii ku dhaqnaa Xaafadahaas, gaar ahaan dhalinyaradii ay isaga carareen, si aysan waxyeello ugu geysan Ciidamada Dowladda.
Laakin Guddoomiyaha Degmada Dayniile Mukhtaar Xasan Caddow oo wax laga weydiiyay eedeynta loo jeediyay Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in dadka ay Ciidamada dileen ay ahaayeen kooxaha dagaalka kala soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya, “saaka markii ay Ciidamada galeen Xaafadaha Degmada Dayniile ayay kooxaha nabad-diidka ah rasaas nagu soo rideen, kadibna waxaa toogtay Ciidamada Dowladda”ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Dayniile Mukhtaar Xasan Caddow.
“Waxba kama jiraan in Ciidamada Dowladda ay dad rayid ah dileen, qaata warka aan idiin sheegayo ee ah in dadka la dilay ay ahaayeen kooxaha dagaalka kala soo horjeeda Dowladda Federaalka”ayuu mar kale yiri Guddoomiyaha Degmada Dayniile Mukhtaar Xasan Caddow.
Todobaad ka hor ayay ahayd markii 9 askari oo ka tirsan Ciidamada Saldhigga Booliska Dayniile ay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ku dileen halkaas, iyadoo dilka Askartaas kadibna uu Taliska Booliska Gobolka Banaadir sheegay in ay gacanta ku dhigi doonaan Amniga Degmada Dayniile.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia