Jimco, July 11, 2008(HOL): Guddiga Olombikada Soomaaliyeed (GOS) ayaa wuxuu dib u soo nooleynayaa Xiriirka Soomaaliyeed ee Feerka, kaasi oo muddo 30 sano ku dhow ka maqnaa fagaarayaasha Isboortiga Soomaaliyeed.
Xiriirkan oo sanadkii 1977-kii ay mamnuucday Dowladdii Mileteri ee uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre ayaa wuxuu mar isku dayay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed in uu dib u soo nooleeyo horraantii sagaashamaadkii, hayeeshee taasi kuma guuleysan.
Haatan ayuu Guddiga Olombikada Soomaaliyeed doonayaa in dib ugu soo celiyo fagaarayaasha Isboortiga Soomaaliyeed Xiriirkaas oo hadda ka qeybgelaya Tartan lagu xusayo marxuum Nuur Xuseen Cabdi (Nuur Jeenyo) oo sanadkii hore ku geeriyooday Dalka Ingiriiska.
| Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Feerka-Maxamed Axmed Colow (Xaaji Colow) |
Ciyaartaas waxaa ka daawashadeedii ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay Guddiga Olomibikada Soomaaliyeed, kuwaasi oo aan ka xusi karno Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed C/qaadir Ibraahim Gacal Abkow iyo ku xigeennadiisa kala ah Aadan Xaaji Yabarow Wiish iyo Xaaji Cabdi Cilmi Warsame, iyadoo sidoo kalena ay joogeen Mas’uuliyiin ka socotay Xiriirrada kala duwan ee Isboortiga Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Feerka Maxamed Axmed Colow (Xaaji Colow) ayaa HOL u shgeegay in ay si weyn ugu rajo weyn yihiin in ay dib u soo nooleeyaan Xiriirkaas oo muddo dheer ka maqnaa fagaarayaasha Isboortiga Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in ay aas-aasayaan Kooxo Heer Dugsi ah, kuwaasi oo ay ka xuli doonaan Kooxo heerar kala duwan leh oo ka qeybgeli doona Tartamada Heer Gobol iyo Heer Caalami.
Guddoomiyaha Xiriirka Feerka Maxmed Axmed Colow (Xaaji Colow) waxaa uu sheegay in ay dhinaca qalabka ka liitaan balse ay rajeynayaan in ay heli doonaan qalab ay ku ciyaaraan ciyaartoyda Xiriirka, gaar ahaan Riinge ka fiican midka ay Ciyaarta ku bilaabeen.
Ugu dambeyntii, Xaaji Colow waxaa uu mahadcelin u jeediyay Mas’uuliyiintii ka socotay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee kala soo qeybgalay ciyaartii Feerka ahayd ee ka dhacday Garoonka 1-da Luulyo, sidoo kalena wuxuu u mahadceliyay Dadweyne aad u faro badan oo ka soo qeybgalay daawashada feerka, kuwaasi oo dabcan ka badnaa daawadayaasha u yimaada Ciyaaraha kale ee Isboortiga.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia