![]() |
| Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde |
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxaa uu sheegay in kadib muddo 18 sano ah oo uu dalka Soomaaliya dhibaato ku soo jiray in haatan ay suurtagal tahay nabad ka dhalata Soomaaliya, “kadib 18 sano oo dhibaatooyin ah, maanta waxaa jirta rajo, nabad iyo deganaan ay dib ugu noqoneyso Soomaaliya”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo wariyayaal kula hadlayay magaalada Hague kadib wada hadal uu la yeeshay Wasiirka Kaalmada Holland Mr. Bert Koenders.
Wuxuu ugu baaqay dhamaan shacabka Soomaaliyeed in ay iyaguna taageeraan mirihii ka soo baxay wada hadalladii ay Qaramada Midoobay dhexdhexaadineysay ee Jibouti ka dhacay, “Nabad in ay ka dhalato Soomaaliya waa suurtagal, haddii Dowladda Federaalka, Hoggaamiye Dhaqameedyada, Hoggaamiye Diimeedyada iyo Soomaalida Dibadaha ku nool ay doorkooda ciyaaraan” ayuu mar kale yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo wax laga weydiiyay caqabo hor-taagan u kaalmeynta dad badan oo ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya, waxaa uu qirtay in deganaasho la’aan iyo dilal ka dhacaya Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ay sii adkeeyeen in gargaar lala gaaro dadka u baahan.
Waa markii labaad oo uu Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ugu baaqo dhinacyada Dowladdiisa ka soo horjeeda inay la qaataan heshiiskii ay Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, dhawaan ayayna ahayd markii uu baaq midkan la mid ah u jeediyay dhinacyada ka soo horjeeda Dowladdiisa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
