Tahriibayaal Soomaali ah oo ay Doon kula ciladowday Badda u dhaxeysa Dalalka Liibiya iyo Talyaaniga

Cabirka Farta

Jimco, July 11, 2008(HOL):  In ka badan 50 Tahriibayaal Soomaali ah oo isugu jira, Caruur, Haween iyo Dad waa weyn ayaa waxay Doon kula ciladowday Badda u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga.

Tahriibayaashan oo dhamaantood Soomaali ah ayaa waxay kula soo xiriireen Taleefoonka Sattelite-ka ee Thuraya-ha Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho, waxayna u sheegeen in ay Doontii ay saarnaayeen ay kula sabbeyneyso Badda u dhaxeyso Liibiya iyo Talyaaniga.

Mid ka mid ah Dadkaas oo Taleefoonka hayay ayaa wuxuu sheegay in aysan ogeyn jiho ay Doonta ula socoto, wuxuuna sheegay in uu raashinkii ka dhamaaday, xaaladdooda ay halis ku jirto.

Dadkani oo ka tegay Xeebaha Dalka Liibiya ayaa waxay sheegeen inay ku sii jeedeen Dalka Talyaaniga balse ay Doontii uga ciladowday meel dhexe oo aysan xitaa dadka Doonta saaran sheegi waayeen halka ay ku beegan tahay.

Tahriibayaasha Soomaalida ah ee ka tallaabada  Badda Mediterenian-ka si ay u gaaraan Dalka Talyaaniga ayaa waxay beryahan noqdeen kuwo sii caqliyeysanaya, waxayna iibsadaan inta aysan Badda gelin Taleefoonka Sattelite-ka ee Thuraya-ha, si marka ay xaaladda ku xumaato ay ugu qeylo-dirsadaan Dowladaha Talyaaniga ama Malta, waxaana qorshahaas ku badbaaday Tahriibayaal badan oo markii ay la xiriireen Dowladahaas loo soo gurmaday.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia