Arbaco, January 30, 2008(HOL): Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muuse Nuur Amiin oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa shaaca ka qaaday sababta Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya looga saaray fariisimo ay ku sugnaayeen oo Muqdisho ku yaala.
Wasiirka waxaa uu sheegay in sababta Ciidamadaas looga saaray xeryihii ay ku jireen ay tahay sida uu u yiri u daneynta bulshada, si ay dadka u helaan xoriyad ay ku socdaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Ciidamadaas la geynayo xeryo gaar ah oo uusan xusin halka ay ku yaaliin.
“Sida aad la socoteen Ciidamada waxay deganaayeen meelo magaalada dhexdeeda ah oo ay dad deganaayeen, marka waxaa lagama maarmaan noqotay in dadka culeyska laga qaado”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muuse Nuur Amiin oo shacabkana dhankiisa ugu baaqay in ay Nabadgelyada kala shaqeeyaan Dowladda, isla markaana ay sheegaan dadka nabadeglyo-darrada wada.
Wasiirka oo wax laga weydiiyay goorta ay Ciidamada ku harsan gudaha magaalada ay ka bixi doonaan waxaa uu sheegay in Ciidamadaas laga maarmi doono marka nabadgelyada la sugo. “Ciidamada sida lagu yaqiinay waxay howlgeli doonaan marka ay yimaadaan wax weyn inta ka horeysana waxaa howsha nabadgelyada sugi doona Ciidamada Booliska, mana jiri doono culeys dambe oo ay Dadka ku qabi doonaan Ciidamada degan xeryaha ku yaala magaalada gudaheeda”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha oo intaas ku daray in la furi doono guud ahaan Waddooyinka Muqdisho.
Hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay iyo xalay ay Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira ay ka baxeen fariisimo ay ku lahaayeen Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmada Hodan, inkastoo ay jiraan Ciidamo weli ku sugan xeryo ku yaala gudaha Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia