Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Cape Town oo dadaal ugu jirta sidii ay u sameysan lahayd Maamul ay ku mideysan tahay


Arbaco, January 30, 2008(HOL): Shir aad u balaaran oo uu soo qabanqaabiyay gudiga ku meel gaarka ah ee Jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Western Cape ee Dalka South Africa ayaa xalay ka dhacay xarunta weyn ee shirarka Belville Civic Theater oo ku taala xaafada Belville ee Magaalada Cape Town.

Shirkaas  ayaa  waxaa looga gol lahaa sidii Jaalliyadda Soomaaliyeed ee gabolka Eastern Cape loogu wacyi galin lahaa sidii ay u samaysan lahayeen maamul ay u midaysan yihin kaasoo wax ka qabta dhibaatooyinka lagu hayo Soomaalida ku nool Dalka South Africa.

Shirka oo ay kasoo qeyb galeen dadweyne aad u fara badan oo boqolaal gaaraya ayaa waxaa kaloo kala soo qeyb galay qaar ka mid ah saraakiisha booliska ee magaalada Cape Town Saxaafada dalka South Africa iyo waliba suxufiyiin Soomaaliyeed, waxaa iyaguna halkaasi Heeso Wadani ah iyo gabayo ka qaaday Kooxda Riyaaq ee Fanaaniinta magaalada Cape Town.

Shirkaas ayaa markii uu furmay wuxuu ku bilowday jawi wanaagsan hase ahaatee waxaa durba kadib dhashay buuq iyo sawaxan ay bilaabeen dad kasoo horjeeda dhismaha Guddi shirka lagu dhisay, hase ahaatee waxaa soo dhex galay qaar ka mid ah qabanqaabiyayaasha shirka oo makaroofanka uga sheegay dadweeynaha in ay xasiloonida ilaaliyaan ilaa markii dambe uu makaroofanka qabsaday Guddoomiyaha ku meelgaarka ah Mr: C/raxmaan Cabdi Jidoow oo u sheegay dadka buuqayay in ay ka hadli karaan wixii ay doonayaan oo ay afkaartooda dhiiban karaan.

Qaar ka mid ahaa dadka diidanaa shirkaasi ayaa waxaa ay ku doodayeen in aanan loo dhameyn shirkii lagu soo dhisay gudigaas oo aanay xitaa wax war ah ka heynin dhismaha gudiga ku meel gaarka ah balse ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb galayaan haddii dib loo qabanayo shir kale oo loo wada dhanyahay oo lagu dooranayo gudoomiye rasmi ah.

Dadka Shirka diidanaa ayaa waxaa ka mid ahaa Ururka Somali Bantu ee gobolkan oo sheegay in ay iyaguna ka soo horjeedaan dhismaha gudigaasi iyagoo ku doodayay in aanay waxba kala socon dhismaha ururka.

Yuusuf Cumar Warsame (Biikolo) oo u hadlay Ururka Somali Bantu ayaa sheegay in ay u baahan yihiin in shir loo dhan yahay dib loo qabto si looga baxo ayuu yiri muranka ku saabsan dhismaha gudigan cusub.

Shirka ayaa waxaa si deg-deg ah u soo gabagabeeyay Gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee Jaaliyada Mr: Jidoow, isagoo u sheegay in uu xilkiisa sii heyn doono mudadii loo doortay oo ahayd ilaa 5 bilood in uu si ku meel gaar ah u hayo xilka.

Guddoomiyaha ayaan wareysi gaar ah kala yeelanay arinta muranka dhalisay waxaan weydiinay goorta isaga loo doortay xilka uu hadda hayo iyo cidda dooratay wuxuuna Mr. Jidoow sheegay in la doortay 10kii bishan January ee aanu ku jirno, waxaana xilkan ii doortay ayuu yiri Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolkan Western Cape.

Guddoomiyaha ayaa Dadka ka soo horjeeda ugu baaqay in hadii ay doonayaan in ay ka soo qeybgalaan gudigan ay ka soo qeybgalaan shirka lagu soo dooran doono guddoomiyaha rasmiga ah ee Jaaliyada gobolka Western Cape

Si kastaba ha ahaatee Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolkan ayaa waxa ay u baahan yihiin hoggaan mideeysan oo matala haddii ay lasoo gudboonaadaano dhibaatooyin ku saabsan sida dilalka dhaca xarigga iyo dhamaan adeegyada kale ee ay u baahanyihiin Shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolkan.





Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Capte Town, South Africa