Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah oo xalay isaga baxay fariisimo ay ku sugnaayeen oo ku yaala Magaalada Muqdisho

Arbaco, January 30, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah oo fariisimo ku lahaa xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa habeenkii xalay ahaa halkaas isaga baxay, kadib muddo dheer oo ay halkaas ku sugnaayeen.

Qeyb ka mid ah Ciidamo Itoobiyaan ah oo deganaa Xarunta Wasaaraddii gaashaandhigga ayaa halkaas isaga guuray, iyadoo la arkayay ciidamadaas oo la sii baxaya Gawaari Gaashaaman iyo kuwa Sahayda iyo Ciidanka u qaada oo ay halkaas ku heysteen.

Dad arkayay markii ay Ciidamada ka baxayeen Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga ayaa waxay sheegeen in Ciidamada meesha ka baxay ay wateen  14 gaari oo Ural ah oo qaarkood ay jiidayeen madaafiic iyo weliba gawaari gaashaaman oo iyana tiradooda ay shan gaari kor u dhaafeysay.

Inkastoo ay Ciidamadaas ka baxeen Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga, hadana waxay  dad yar oo ku dhaqan deegaankaas ay sheegayaan in ay weli jiraan Ciidamo aan badneyn oo weli ku harsan Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga, kuwaasi oo ay sheegeen in ay iyana u muuqdaan kuwa meesha isaga guuri raba.

Ciidamo kale oo ku sugan Xarunta Warshaddii Baastada iyo Xeradii Maslax ayaa iyana la soo sheegayaa in laga dareemayo saan-saan ku saabsan in ay doonayaan in ay halkaas ka guuraan.

Lama oga ilaa iyo haatan waxa keenay in ay Ciidamada Itoobiyaanka ka guuraan Xerooyinkii ay kaga sugnaayeen magaalada Muqdisho, waxayse wararka qaarkood sheegayaan in ujeedku yahay in Ciidamada jooga laga raro Waddooyinka Warshadaha, 30-ka iyo Wadnaha, si ay markaasi kadib u suurtagasho inay xaafadahooda ku soo laabtaan dad badan oo guryahoodii ka baro-kacay, halka ay warar kale sheegayaan in ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee fariisimadii ay ku sugnaayeen ay tahay xeelad mileteri, isla markaana ay doonayaan in ay mar kale dib ugu soo noqdaan.

Dhanka kalena, Ciidamo Soomaali ah oo iyana ku sugnaa Xaafadaha African Village, Tareebuunka, Kaasabolbollaare iyo Al-Baraka ayaa iyana xalay halkaas isaga guuray, iyadoo haatan saaka ay dadka iyo gaadiidka isticmaalayaan Wadada isku xirta Isgoyska Bakaaraha ilaa KM4 oo in muddo ah ahayd mid ay ciidamo degan yihiin oo aaney dadku mari karin.

Xaafadaha u dhow Fariisimada la sheegayo inay Ciidamada ka baxeen ayaa saaka waxaa lagu arkayay dad badan oo u yimid in ay guryahooda eegtaan bacdamaa ay uga carareen ciidamada soo dul-degay aawadood.

Dad badan oo u baro kacay Deegaannada Ceelasha Biyaha, Km13 iyo Degmada Dayniile ayaa xalay markii ay maqleen warka ku saabsan in ay Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowladda Federaalka ay isaga baxeen fariisimadii ay ku lahaayeen Degmada Hodan waxaa ay dhigeen Banaanbax ay ku muujinayeen sida ay ugu faraxsan yihiin in ay Ciidamada ka baxaan magaalada  Muqdisho, iyadoo ay xusid mudan tahay in xiliga banaanbaxyadaas dhacayeen uu ahaa xili habeen ah oo welba Saacadda  Afrikada Bari ay ku beegneyd 10:30 habeennimo.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Afhayeenka Siyaasadda Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere) ayaa shacabka soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa doonaya in ay ku laabtaan xaafadahooda oo fariisimadaas u dhow waxaa uu ugu baaqay in aysan ku deg-degin degista guryahooda, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay jiri karaan khataro dadka soo gaari kara, bacdamaa ay xaafadahoodii iyo guryahoodii noqdeen meelo ay ciidamo deganaayeen, weliba dagaallo ay ka dhaceen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia