Arbaco, January 30, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo weli ku harsan fariisimo ay ku leeyihiin Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga, Warshaddii Baastada iyo Xeradi Maslax ayaa waxay qab-qabteen, qaarkoodna dhaawaceen dad badan oo doonayay in ay galaan xerooyinkaas kadib markii loo sheegay in ay ka guureen Ciidamadii Itoobiyaanka.
Dadkani oo doonayay in ay galaan Xarunta Warshaddii baastada ayaa waxaa dhaawacay Ciidamo Itoobiyaan ah oo Xaruntaas ku sugan, kuwaasi oo meel sare ka soo toogtay dadkaasi oo sida muuqata la soo siiyay warbixin aan sax ahayn oo ahayd in ay Ciidamada Itoobiyaanka ka guureen Warshaddii Baastada.
Dadkani la qab-qabtay iyo kuwa la dhaawacay ayaa waxay xarumahas ku qamaameen kadib markii ay maqleen in ay xerooyinkaas ka guureen Ciidamadii ku sugnaa, isla markaana ay haawanayaan, hayeeshee waxay la kulmeen wax ka duwan wixii loo soo sheegay.
Shalay gelinkii dambe iyo xalay ayay ahayd markii Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira ay ka guureen fariisimo ay ku lahaayeen Degmada Hodan, gaar ahaan Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga iyo weliba xaafadaha Al-Baraka, African Village, Kaasabolbollaare iyo Tareebuunka.
Ciidamada ayaa markii ay ka baxeen fariisimadii ay ku sugnaayeen ayaa waxaa suurtagashay in ay maanta dib u bilowdaan isu socodka dadka iyo gaadiidka qeybo ka mid ah Waddooyinka 30-ka iyo Wadnaha, gaar ahaan inta hoos-tagta Degmada Hodan, kuwaasi oo muddo 2 bilood ka badan u xirnaa Ciidamada ka guuray.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia