Kooxo hubeysan oo Xalay dagaal ku qaaday Fariisin ay Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Xeradii Maslax ee Duleedka Suuqa Xoolaha

Jimco, January 18, 2008(HOL):  Kooxo hubeysan ayaa xalay saqdii dhexe waxay weerar culus ku qaadeen fariisin ay Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Xeradii Maslax ee duleedka Suuqa Xoolaha.

Dad yar oo weli degan Suuqa Xoolaha ayaa waxay sheegeen in markii uu dagaalka ka dhex bilowday Ciidamada Itoobiyaanka iyo Kooxaha ka soo horjeeda ay hurdada ka tooseen kadibna ay guryaha bannaanka uga baxeen si aysan waxyeello ugu geysan madaafiic xooggan oo ay labada dhinac isku ridayeen.

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo dagaalka ka soo gaaray Dadka rayidka ah ee degan Deegaanka Suuqa Xoolaha iyo nawaaxigiisa, sidoo kalena ma jirto cid ogaan kartay khasaaraha ay isugu geysteen labada dhinac ee dagaalamay.

Kooxaha ka soo horjeeda Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya ayaa marka la gaaro habeenkii waxay weerarro ku qaadaan fariisimada Ciidamda Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ee Muqdisho ku sugan.

Dagaalka xalay ay Kooxaha hubeysan ku qaadeen fariisinka ay Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Xeradii Maslax ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay gelinkii dambe uu dagaal culus oo madaafiic la isugu adeegsaday uu ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed isugu jira.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa waxay si weyn uga walaacsan yihiin goorta ay soo idlaan doonaan dagaallada ka socda Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kuwaasi oo bilowday sanadkii hore bilowgiisii, xiligaasi oo ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah ay la wareegeen gacanta ku heynta Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia