Jimco, January 18, 2008(HOL): Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan oo shir Jaraa'id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa waxaa uu kaga hadlay Siyaasada Maamulka ee ku wajahan habka Saxaafadu uga howl-gali karto Gobalka Hiiraan, waxaana uu sheegay in uusan jiri karin Wariye ka hadli kara wax ka baxsan Qodobo sida uu sheegay horay Maamulka iyo Saxaafadu uga balantay sida aan faro galin lagu sameyn arimaha Nabad-galyada iyo waliba in ay qasab tahay in wariyuhu ka sii daayo warka gudoomiyaha Idaacada uu u shaqeeyo.
Hadalka Gudoomiyaha oo ahaa mid u muuqda go'doomin lagu sameynayo Wariyayaasha ka howl-gala gudaha Gobalka Hiiraan ayaa mar la weydiiyay waxa ku jaban ka hadalka dhacdooyinka dhabta ah ee jira Waxaa uu yiri "" Halkan Maamul ayaa ka taliya dhacdo uusan ka warqabina maba ah mid dhab ah.
Idaacadaha qaar ayuu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo daneeya oo kaliya wararka qal-qalka abuura iyaga oo meel isaga riixa ayuu yiri wararka sameyn kara hormarka, islamarkaana ka qeyb-qaadanaya xisiloonida sidaa daraadeed Xitaa Idaacadaha ayuu yiri waxeynu u yeelan doonaan fiiro gaar ah.
Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa hadda u muuqda mid si gaar ah u bar-tilmaameed sanaya shaqada bahda Saxaafada ee ka howl-gasha gudaha Gobalka Hiiraan oo intooda badan ah kuwa u shaqeeya Idaacado iyo Wakaalado ka baxsan Gobalka Hiiraan.
Dhawaan ayay aheyd markii uu baaralamaan Federaalku Ansixiyay Xeer cusub oo ay kuwada shaqeeyaan Saxaafada iyo Dowlada Federaalka, iyadoo ay taa jirto ayaa hadana wali waxaad moodaan in Maamulada hoos tago Dowlada Federaalku yihiin kuwo cadaadis ku haya Hay'adaha warbaahinta iyo shaqaalaha ka howl-gala waxaana meelaha ugu daran ee dhibaatada kala kulmaan Wariyayaasha lagu tilmaami karaa Magaalada Muqdisho iyo Gobalada Hiiraan iyo Puntland oo ah goobaha ugu badan ee lagu xiro Wariyayaasha.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
YUUSUF DABAGEED:- Ma'ogolaan doonno in bahda Saxaafadda ka hadasho wax ka baxsan wixii aan ku balannay.
More News
- Dhaawacyo ka badan Sariiraha yaala Isbitaalka Madiina oo shalay la gaarsiiyay Isbitaalkaas
- Kooxo hubeysan oo Xalay dagaal ku qaaday Fariisin ay Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Xeradii Maslax ee Duleedka Suuqa Xoolaha
- Hay’ad u dooda Xuquuqda Aadanha oo sheegtay in mas’uuliyadda dhibaatada soo gaarta Shacabka ay qaadayaan dhinacyada ku dagaalamaya Muqdisho
- Maamullada Sh/Hoose iyo Baanadir oo iskula dhacay sabab la xiriirta Sumad loo sameeyay Gaadiidka BL-ka ee Labada Gobol
- Deeq Lacageed oo markii ugu horeysay la soo gaarsiiyay Qoysaska ka soo barakacay Muqdisho oo ku sugan Gobolka Hiiraan
- Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Madax La-daggaalanka argagaxisada ee Maraykanka